Boodhka “ Tuugadu Waa Shaqo Khariban”

0
407

Xaakimka Maxkamadda  gobolka Ohai Xaakim Michel Scontine ayaa noqday  mid ku riday xukumo aan hore loo arag oo lala yaabay dadkii lagu soo oogay denbiyo ay galeen. Qaadigan ayaa caan ku ahaa inuu Qofka kasta ku xukumo ciqaab la nooca ah denbigiisa.

Waxaana uu ku xukumay 7 dhalinyaro ah inay beeraan 70 geed ka dib markii ay gooyeen dhir ku taallay goobaha caamka ee dadka ka dhexeeya.

Nin dhalinyaro ah oo garaacay Oday da’, ayuu isgana ku xukumay inuu laba bilood  ka sheqeeyo xarunta lagu xanaaneeyo dadka waaweyn.

Nin sikhaaramay oo bisadiisii ku tuuray moofo uu lahaa ayuu isagana ku xukumay inuu ku quudiyo muddo laba bilood bisadaha beer ku taalla gobolka Pesnelfeniya.

Nin ka xaday cajalad Vedio ah xarun Vedio oo lagu iibiyo ayuu isagana ku xukumay inuu muddo laba todobaad ah hortaagnaado xarunta horteeda isagoo haysta boodh ay ku qoran tahay “ Tuugadu waa shaqo khariban xun ah”.

Booliiska ayaa soo qabtay nin dhakhtar caan oo markii uu gaadhiga watay sikhraan ahaa, waxaana markii loo keenay uu kala dooransiiyay  in la xidho muddo 6 bilood ah iyo inuu muxaadaro ka hadlaysa xumaanta  mukhaadaraadka uu  u galo ardayda dugsiyada. Xukunadaasi ayaa noqday ku lala yaabay laakiin dadkiisa raali geliyay.

 

Leave a Reply