Noqo Mid Farxad Badan!

0
763

Mararka qaarkood waxa dhacda inaad laabta ka dareento cidhiidhi iyadoo ay sabab u tahay dadka oo ku fahmi waayay ama ku dhaliilaya. Dareenkaasi  yaanu kugu keenin dhibaato, maxaa yeelay maaha arrin khasab ah inay dadka oo dhami kuwada fahmaan, waxa kugu filan inaad adigu naftaada  fahanto. Waxa dhici karta inaad adigu khaldan tahay, oo haddana aad isu aragto inaad saxan tahay oo dadka kale ku ciqaabayaan. Maya, wakhti yar fikir oo u fiirso waxa ay ku sheegayaan. Jooji hadalka badan.

Haa.. adigu waa inaad isku dey inaad sida ugu wanaagsan u qabto hawshaada.  Waa taasi farxaddu. Noqo mid faraxd badan. Waa markaad garato masuuliyadda aad leedahay yo hawsha aad u xil saran tahay.  Faham oo baro shaqada aad qabanayso, haddii aanad aqoon buuxda u lahayn shaqada laguu diray waa taasi cidhiidhiga ku haystaa.

Ogow haddii aad wanaagsanaato dadku way ku eedaynayaan mar kasta, laakiin adigu samee arinka wanaagsan. Haddii aad guulaysatona waxaad ku guuleysan doontaa saaxiibo badan oo ku hareera jooga iyo cadow dhab ah oo ka soo horjeeda.

Si kastaba waa inaad guulaysataa. Dadka runtii waxay u baahan yihiin kaalmo, laakiin way ku dhallecaynayaan haddii aad iyaga caawiso. Laakiin mar kasta kaalmee si aad ugu raaxaysato nolosha wanaagsan ugana baxdo cidhiiga iyo diiqada nolosha xasadka, niyad jabka iyo cuqdadu ku lamaan tahay.

Iska dhaaf cir weynida, keli wax isla doonka, xasadka, nacaybka dadka kale kuwaasi oo arrimaha sababay cidhiidhiga nafsaaniga ah ee ku haysta

Leave a Reply