Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La Yeeshay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka

0
563

“Madaxweynuhu wuxuu guddida doorashooyinka uga warramay caqabada ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka iyo xubnaha komishanka laftooda”…

 

 

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay xarunta madaxtooyadda kulan kula yeeshay xubnaha guddiga doorashooyinka qaranka.

Waxaanu madaxweynuhu xubnaha komishanka kala hadlay caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka iyo sidoo kale komishanka doorashooyinka laftoodda.

Isagoona ku dheeraaday madaxweynuhu ahmiyadda ay dalka iyo dimoqraadiyadaba u leeyihiin qabsoomidda doorashooyinka, isla si dhakhso ah looga gudbi lahaa wixii caqabado ah ee taagan.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtoooyadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac.

War-saxaafadeedkaasina oo nuqul ka mida uu soo gaadhay wargeyska DAWAN, ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta (shalay) xafiiskiisa kula kulmay xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka.

Waxaanu madaxweynuhu xubnaha guddida uga warramay caqabada ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo degaanka iyo xubnaha komishanka doorashooyinka laftooda.

Isagoo ku dheeraaday ahmiyadda ay doorashooyinku dalka u leeyihiin iyo sida uu ka madaxweyne ahaan u danaynayo in deg-deg looga gudbo dhammaanba wixii turaan-turrooyin ah ee doorashooyinka hor taagan”.

“Dhinaca xubnaha guddida doorashooyinku waxay madaxweynaha xog-warran ka siiyeen wixii u qabsoomay intii ay xilka hayeen iyo waxyaabaha mustaqbal ahaan u qorshaysan”.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

 

 

Leave a Reply