Xildhibaan soo Jeediyay in Qorshe laga Yeeshe Qabyaalada

0
412

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Saleeban Daahir Cabdillaahi Dogox oo ka mid ah Golaha Deegaanka Caasimadda Hargaysa ayaa soo jeediyay in qorshe Siyasaadeed laga yeesho Qabyaalada.

Saleebaan Daahir Cabdillaahi ayaa waxa uu intaasi ku daray in haddii lagu qanci waayay Golaha Deegaanka Hargaysa loo mari karo sharciga dalka u yaala kala diris tooda.

Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdilaahi oo u Waramayay qaar ka mida Warbaahinta oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Golaha Deegaanka dalka haddii lagu qanciwaayo waa in wadada sharciga ah la maro, taas oo ah in Shankun oo Qof ay tagaan Maxkamada sarre oo ay iska diwaangaliyaan, isla markaana ay codsadaan in la kala diro Golaha Deegaanka, kadibna waa la kala dirayaa,

Waxa kale oo jirta Madaxweynaha ayaa marka uu guddi u saaro isaguna xaq buu u leeyahay in uu kala diro Golaha Deegaanka dalka.”

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu soo jeediyay in Qorshe Siyaasadeed laga yeesho sidii looga bixi lahaa Qabyaalada, waxaanu yidhi “Waa in qorshe Siyaasadeed laga yeesho sidii Qabyaalada loo dhaafi lahaa ee looga bixi lahaa oo ah Aafada ugu wayn ee bulshada haysata, in sharciga la raaco waxyaabaha mushkiladda ku ahi waa waa Qabyaaladda, haddii la yidhaahdo Golaha Deegaanka ayaa kala dirayaa waxa la odhanayaa hebel baa loo jeedaa ama reer baa loo jeedaa ayaa la odhanayaa, meel walba Qabyaalad ayaa loo isticmaalayaa, kii wax waayay Qabyaalad ayuu isticmaalayaa, kii wax doonayaa Qabyaalad ayuu Isticmaalayaa, kii dadka ka hadhay Qabyaalad ayuu isticmaalayaa, Aafada ugu wayn ee haysata Somaliland waa Qabyaalada.

Leave a Reply