Xukuumadda Somaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho ee uu hoggaamiyo Farmaajo, waxa ay caado ka dhigatay inay mar kasta oo ay dano kaga xidhmaan wada hadalladii istaagay ee u dhaxeeyey Somaliland iyo Somaaliya, ay u dhigto qaab keeni kara, in Jamhuuriyadda Somaliland ay Iyana dhinaceeda albaabada u xidho wada hadalladii hakadka galay ee labada geesood, taasoo ay oggolaadeen Golayaasha Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland 2012kii, inay horfadhiistaan Somaaliya oo ay ka wada hadlaan sii ay u kala bixi lahaayeen.
Wada hadalladii ugu horreeyey ee ay isku soo horfadhiistaan muddo 22 sanno ah Somaliland iyo Somaaliya, waxa uu 12kii Feb 2012 ka dhacay dalka Boqortooyada Ingiriiska, magaalo madaxdiisa London, waxana bilowgii wada hadalladaa goob-joog ka ahaa Madax illaa 50 dal ka kala socotay, waxana kasoo baxay kulankii wada hadalladii u horreeyey ee halkaa ku dhexmaray labada geesood qodobadii iyo qaabkii aasaaska u noqonayey, in Somaliland iyo Somaaliya ka wada xaajoodaan arrimaha masiiriga ee ay isku hayaan.
Qodobadii aasaaska u ahaa in la wada hadli karo oo ka koobnaa 7 Qodob, haddaan ka xuso kuwii ugu mudnaa, waxa ka mid ahaa:-
- In qaabka labada geesood u wada hadlayaan ku saleysnaado sidii ay labada dad iyo labada dal kala ahaayeen wixii ka horreeyey 26kii June 1960kii.
- In aan la siyaasadeyn oon aan la carqaladeyn wixii waxtar ah iyo sidoo kale deeqaha bulshada caalamku ku kaalmeyneyso dadka meel kasta oo ay kaga sugan yihiin dalkii Somaaliya laysku odhan jiray.
- In labada dhinac ay joojiyaan wixii borobagaandho ah ee ay iskaga tebinayaan Warbaahinta, si aanay uga dhallan carqalado waxyeeleyn kara sii socodka wada hadallada Somaliland iyo Somaaliya iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen isku socodka dadka iyo Ganacsiga.
Ma jiro wada hadal laba dhinac dhexmaraya oo iska furmaa, illaa marka hore laga sii heshiiyo shuruudaha iyo qaabka loo wada hadallayo, arrimahaa kala xaddidaya ee xuduudaha u kala dhigaya labada geesood marka laysku waafaqo oo kaliya, ayaa kadib laysku soo horfadhiisanayaan wixii xaajooyin ah ee ay labada dhinac doonayeen inay ka wada hadlaan.
Mar hadday sidaa tahay oo ay Somaliland iyo Somaaliya-na hore uga heshiiyeen qaabkii iyo shuruudihii wada hadallada ee hakadka ku jira, sow markaa gardarro cad iyo carqaladeyn maaha, in Farmaajo iyo Xukuumaddiisa Muqdisho ku dhaqaaqaan abaabullo ka dhan ah wixii hore loogu heshiiyey ee ku saabsanaa wada hadalladii hakaday ee ku dhexmaray labada dal ee Somaliland iyo Somaaliya magaalada London 2012kii.
Miyaanuay Farmaajo iyo Kooxdiisu sanka ka marmarineyn Somaliland inay ka baxdo gebi ahaanba wada hadallada, marka ay kolba Xamar ama meelo kaleba ku soo Ururrsadaan dad, ay laba dhinac ka dhigeen oo ay ku sheegaan inay yihiin dhinacyo kala metalaya Somaaliya iyo Somaliland oo wada hadlaya? Mise waa madadaalladii iyo maaweelladoodii ay ku jeedin jireen shacbiga reer Muqdisho mar allaale iyo markay kusoo baraarugaan danahooda, inay ku soo jaheeyaan xagga Somaliland oo ay ugu sawiraan in aanay jireyn iyagu[Somaaliya] hadday si buuxda u soo ceshadaan madaxbannaanidoodii?
Siday doontaba haka ahaatee Qadiyadda Somaliland maaha mid ay Farmaajo iyo qeyrkii toona ku baabiin karaan kolba dad loo soo geliyey shaadhadh been ah oo lagu jilayo inay yihiin kuwa metalaya Somalilan, balse runta iyo xaqiiqadu tahay, in aanay naftooda mooyee cid kale oo ay ku metalaan ama waxtar iyo saameyn kale oo ay Somaliland ku yeelan karaan jirin, waayo waxa uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland waa Qaran dhisan oo leh dawlad shaqeyneysa oo soddon jir ku dhaw, taas mooyee cid kale oo ka hadli karta ama go’aan ka gaadhi kartaa ma jiro, qadiyadduna waa mid shacbi ee sidaa laabta ha gashadaan Farmaajo iyo kuwa kale ee ka sii dembeeyaaba.
Waxa aanu u sheegaynaa Xukuumadda Muqdisho inay joojiyaan faragelinta qaawan ee ay ku hayaan arrimaha Somaliland iyo inay ka dhigtaan Qadiyadda reer Somaliland mid cayaar-cayaar ah oo hadba inta koox meel lagu xereysto oo lagu sheego Somaliland inay metalaana, kadibna loo adeegsado Warbaahin abaabulan oo hal oo buunbuunisa waxan raad iyo meel loo raaco toona lahayn.