Madaxweynaha Somalialnd Oo Ku Baaqay In Talo Qaran Laga Yeesho Sidii Dakhso Loogu Qaban Lahaa Doorashooyinka

0
487

“Haddii aynaan doorashooyinka qaban wakhtiga ugu suurto-galsan taladeenu way mur-gaysaa”…

 

 “Somaliland maanta qorshaha u yaalaa waa in iyadoo wada socota oo kala raali ah oo tashatay aynu doorashadda ku qabano muddo gaaban”… Muuse Biixi

 

 

 

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay caqabadaha kala duwan ee ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka Somaliland iyo waxyaabaha salka u ah khilaafyadda taagan iyo dariiqa ugu fudud ee lagaga gudbi karo.

Waxaanu sheegay madaxweynuhu in haddii aan wakhtiga ugu suurto-galsan lagu qaban doorashooyinka muddo dhaafay in ay Mur-gi doonto talladda iyo siyaasadda Somaliland

Muuse Biixi Cabdi, ayaa tilmaamay in dib u dhaca doorashadu uu dhibaato ku yahay dalka, taasoo muuinaysa tabar darradda dhaqaale ee Somaliland. Balse ay dhaanto fawdadda iyo is-dhex yaac dalka ka dhaca.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu shalay ka jeediyay furitaanka carwo lagu soo bandhigayay wax soo saarka Wershadaha dalka oo lagu qabtay caasimadda Hargaysa. Isagoo khudbadiisa kaga hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee Somaliland.

Muuse Biixi, waxa kaloo uu xusay in qabsoomida doorashadda arrimaha hor taagan ay saddex qodob ugu muhiimsan yihiin. Kuwaasoo ay ugu weyn tahay dhinaca dhaqaalaha, sidaas darteedna haddii Somaliland doorashadda dhaqaalaheedda ay bixin waydo, oo cid kale ka bixiso aanay weligeed meel gaadhi karin.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Haddii aynaan doorashooyinka qaban, wakhtiga ugu suurto-galsan, taladeenu way mur-gaysaa. Doorashooyinkeenu way daaheen, waxay u daaheena waa tabar daraanteena. Waa tabar daraanteena siyaasadeed.

Waxaa curdin ah sharciyadeena oo imika dhismaaya. Markaa duruufahaa sida wershadaheenu u daaheen, ee Laydhkeenii (korontadda) u qiimo jabi waayay, ee aan wershadeenii Sibidhka u dhisan kari laana’ay, ee wadooyinkeenii u xun yihiin, ayay siyaasadeeniina u liidataa, oo ay u gaabinaysaa, guud ahaan”.

Waxaanu intaas raciyay, “Labadda gole ee Wakiiladda iyo degaanku, xoog kuma fadhiyaan. Mana diidana in la bedelo. Hal qodob oo aynu mahadinay, balse dhib badan ayaa jira. Waxaan dastuurkeena ku darsanay gole la doortay, gole kaloo la doortay ayuun baa bedeli kara.

Raagi-dda doorashadda goleyaashu waa dhibaato. Laakiin, waxay dhaantaa fawdadda iyo is-dhex yaac la waayo cid xukunta. Dib u dhaca doorashooyinka, tabar daradeena ayaa keentay.

Qabsoomida doorashadda saddex qodob ayaa hor taagan. Ka ugu muhiimsani waa dhaqaalaha. Haddii Somaliland doorashadda dhaqaalaheedda bixin waydo, oo cid kale ka bixiso, weligeed socon mayso.

Nin talladiisii cid kale u maamushaa meel ma gaadho. Waynu bixin karna dhaqaalaha doorashadda. Wax badan ma aha, marka aynu isugu tagno, waynu qabsan karnaa” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Geesta kale madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in khilaafyadda hadda taagan dhamaantoodba si fudud loo xalin karo, isla markaana loo baahan yahay in wax kastoo la isku qabto laga heshiiyo.

Madaxweyne Biixi, ayaa intaas ku daray in qorshaha keliya ee maanta Somaliland oo dhan looga baahan yahay in ay awoodeedda isugu gayso iyadoo wada socota uu yahay in muddo gaaban lagu qabto doorashadda.

Waxaanu yidhi, “Khilaafaadku waa wax la xalini karo. Ka u horeeya ee ina hor taagani waa dhaqaalaha. Khilaafka komishankan hadda joogaa, waa mid fudud, waana inta la isaga imanayo uun. Sababtoo ah dadku marka ay wax isku qabtaan, laba mid uun bay ku heshiiyaan.

Maslaxaad ama sharci, mid kood uun baa lagu kala baxaa. Labadiiba awoodeedii waynu leenahay. Laakiin, miyir qab hala iskula yimaado? ayaan Waali lagu wada hadlin.

Ta labaad, waa kuraasta baarlamaanka lagu fadhiyo oo in badan laga cawdo, oo la yidhaahdo tabasho. Iyana waa arrin aad u fudud.

Somaliland maanta qorshaha qudha ee u yaalaa, waa in ay isugu tagtaa, iyadoo wada socota, oo kala raali ah, oo tashatay, in aynu doorashadda qabano, muddo gaaban”.

 

Leave a Reply