“In Bulshooyinka Geeska Afrika ay Is-dhex Galaan Waxaa Lugta Jiidaya Khilaafka Soomaalida”… Madaxweyne Muuse

0
494

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Somaliland ayaa fikrad qaldan iyo wax laga xumaado ku tilmaamay hadaladda ay dadka qaarkood meelaha fagaareyaasha ah kaga tiraabaan ee ah in Somaliland ay diidan tahay midnimadda iyo wax-wada qabsiga Soomaaliyeed.

Waxaanu ku dooday madaxweynuhu in Somaliland ay taariikh ahaan ku caan baxday iyadoo ah halkii ay ka bilaabmeen dhamaanba hal-gamadii kala duwanaa ee ay bulshooyinka shanta Soomaaliyeed soo mareen.

Muuse Biixi Cabdi, waxa kaloo uu sheegay in Somaliland ay mar kastaba jeceshay in Soomaali iyo bulshooyinka Geeska Afrika oo dhan ay midoobaan, balse maamulka Muqdisho xiligan ka taliyaa aanay haynin dariiqii taas loo mari lahaa.

Isagoo ku eedeeyay Soomaalida in khilaafkoodu uu sabab u yahay caqabadda hor taagan in bulshooyinka Geeska Afrika ay midoobaan.

Waxaanu intaas raaciyay madaxweyne Biixi in ay Somaliland soo dhawaynayaan fur-furnaanta uu ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku baaqay ee ah in dadyawga Geeska Afrika ay is-dhexgalaan.

“Itoobiya, waxaa ka socda oo ay keentay fur-furnaan badan. Waxaanay ku baaqday in Geeska Afrika is-dhex gallo, oo la wallaaloobo. Aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa in Geeska Afrika is-dhex gallo, oo uu wallaaloobo.

Is-dhex galkaasi iyo wax-wada qabsigaasi, dal waliba wuxuu eegayaa in uu dantiisa ka dhex arko. Maanta in dalalka Geeska Afrika ay is-dhex galaan, oo ay wada shaqeeyaan, waxaa Lugta jiidaya khilaafka Soomaalida, meel ay joogtaba” ayuu yidhi Muuse Biixi, oo hadal ka jeedinayay munaasibad lagu daah-furayay carwadda wershadaha Somaliland oo shalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Soomaaliya-na, waxay maanta isku haysaa, marka aynu midoobayno, maxaynu ku midoobaynaa? Soomaali in ay midawdo, oo jaarkeedda dhibta ka dayso, oo ayadu-na iska dayso, oo ay wax wada qabsato, waxay ku xidhan tahay in ay Caqliyad keento. Kaasoo ah Waar kii hore inaga dunye, sidee ayaynu ku midawnaa?

Dad badan baa markay ka hadlayaan meelaha fagaareyaasha ah, waxay u dhigaan in Somaliland ay tahay Soomaali-diid. Dad Soomaali-diidaya, oo midnimadda diidaya, oo ka carraraya, tiiyoo caalamku midoobayo. Ra’yigaasi wuu qaldan yahay.

Somaliland dhaqan ahaan waxay tahay, halkii Soomaali oo dhami isugu timid. Qof kastoo Af-Soomaali ku hadla, cid aan Hargaysa aqoonin, oo inta ay timid, arrin ay leedahay aanay ka dhamaanin, ma jiro.

Markii Soomaali la midaynayay, markii la hal-gamayay, mid waliba. Ka Jabuuti markii uu hal-gamayay Hargaysa ayuu ka bilaabay, ka Itoobiya markii uu xuquuqda doonayay halkan (Hargaysa) ayuu ka bilaabay, ka Kenya ilaa 1960-kii halkan ayuu joogay.

Maanta-na dadkii caynkaa ahaa, ee dhaqankaasi ayaanu leenahay in Soomaaliyi midawdo, oo ay walaalawdo, oo Afriki midawdo. Laakiin, Soomaalida maanta Koonfur ka talinaysaa, cawliyadii lagu walaaloobay ma hayaan”.

Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland ayaa Carrabka ku dhuftay in aanay midnimo Soomaaliyeed dhacaynin ilaa inta maamulka Muqdisho ay sheeganayaan in Somaliland ay tahay qayb ka tirsan Soomaaliya.

Waxaanu yidhi, “Soomaaliyi, ku midoobi mayso maxaad u xanaaqaysaa, soo noqda, waa la idin amrayaaye? Halkan (Xamar), ayaa la idiinka taliyaaye kaalaya? Waxba ha I waydiinin? Labadii gobol baad tihiin? Waa caqli khaldan ta uu Farjaamo hayaa. Lagu-na socon maayo, lagu-na midoobi maayo.

Walaaleyaal sidee ayaan ku midawnaa ayaa taalla. Maxaad raali ka tahay iyo maxaa inaga qaldamay. Waxba ku waydiin maayee, waa muqadas midnimadu. Adigu meel gee, midnimadda muqadaska ah”.

 

 

 

Leave a Reply