Guutadii Taangiyada Ee Dumarka Ahayd!

0
422

Dagaalkii koowaad ee adduunka, dawladda Ingiriisku waxay asaastay guuto ciidanka taangiyada oo dumar ah iyadoo sababtu ahayd raga oo yaraaday, waxaana lagu magacaabi jiray guutada taangiyada ee dumarka sare  (Women Royal Tank Corps). Guutadan ayaa loogu talo galay inay ku dagaal galaan 85 Kaare  (Taangi).

Subaxnimadii hore bishii September 11, sanadkii 1918 ,ayaa loo qorsheeyay guutadan oo xooga badnayd ee sida weyn loo tababaray inay weerar ku qaadaan ciidankii Jarmalka.

Goobtii loogu talo galay inay burburiyaan waxa soo gaadhay hal dubaabad keliya, taasina waxay jiidhay geedka hor intii aanu dagaalkuba bilaabmin. 65 ka mid dubaabadaha waxay ku xidhmeen kanaalka Ingiriiska, iyagoo ka lumay jidkii ka dib markii ay si khalad ah u akhriyeen khariidada ay siteen.  Arintaasi ayaa keentay in dumarku aanay gelin dagaalkii labaad ee weyna ee dhex maray Yurub.

.

Leave a Reply