Hargeysa – Gabilay: Waddo Casri ah iyo Halista Ku Safarkeeda Habeennimo

0
441

Warbixin: Faysal Xiis Afgaab

Guud ahaan gayiga Somaliland wuxuu baahi weyn u qabaa in uu helo waddooyin casri ah oo isku xidha dalka oo dhan taas oo maalinba maalinta ka dambaysa ay soo kordhinayso xukuumadda markaa talada haysaa waddooyin casri ah oo qayb wayn ka qaata isku xidhka dalka isku socodkiisa,taas oo kaalin wayn oo muuqata ka gaysanaysa horumarka dhaqaalaha dalka marka la helo waddooyin casri ah oo lagu safri karo

Waxay ahayd goor habeenimo ah oo ay Khamiisi soo gelayso taariikhduna ay ahayd 27,12,19-ka markii aan safar gaaban ugu baxnay magaalada Kala Baydh ee aan ku safro waddada casriga ah ee laga hirgeliyay Hargeysa Illaa Gabilay inkastoo aan ogaa in la bilaabay waddadaaas casriyaynteena oo uu dhagax dhigay Madaxweynaha qaranka Somaliland hadana ku safarkeedu wuu ii dhinnaa illaa markaaa dib u dhiskeeda iyo casriyaynteeda la bilaabay.

Markii aanu kaantaroolka Galbeed ee Caasimadda Hargeysa dhaafnay waxaanu bilawnay ku safarka Laami aanan wali ku dul safrin dalka gudihiisa marka loo eego hannaanka casriyaynta ah ee loo sameeyay,calaamadaha waddadu ay leedahay iyo sida loo kala xadeeyay labada haad ee labada baabuur ee midka sii socda midna soo socdaa ay kala leeyiiin iyo dhammaan wax kasta oo waddada ku yaalla oo inytaanad gaadhin aan la kulmayso calaamado daddada dhinaceega ka taagan oo kaaga digaya in aan ku soo dhawdahay goolad,askari jiifa ama doox. Safarka aanu xilliga habeenimada ah ku safraynay wixii ugu badnaa ee aanu ka sheekaynasanay adex qof oo aanu ku wada soconay wuxuu noqday oo dareenkayaga oo dhan soo jiitay habka waddada loo sameeyay sida looga taxaderay waxkaska oo dirawalka waddadaa ku sucub eek u safra uu u baahan yahay taas oo looga dan lahaa n laga hor tago shilal badan oo jidkaa laamiga ah ee cusub kai man kara.

Laakiin dhibtu waddada la sameeyay ee casriga ah waxaa jirta halis dad samee ah oo ku gedaaman oo aan habeenkii lguu safri kari n isla markaana sabab u noqon karta shilal badan oo waddooyinka cusub ee aynu samaysano ka dhici karta haddaan wax laga qaban.

Gaadhiga aanu ku safraynay oo uu waday Dirawal aad u taxader badan isla markaana markasta la socday calaamadaha waddada dhinacyadeeda ku yaalla iyo kuwa laamiga ku dul samaysan ee renjiga lagu muujiyay oo la yidhaahdo Cali Xasan Qawdhan,ayaa yidhi isagoo sawir ka bixinaya halista ugu weyn ee jidka aanu soconno xilliga habeenimada ahi uu leeyahay

 

 

.

 

Leave a Reply