Xukuumadda iyo Xisbiyadda Mucaaradka oo Heshiis ka Gaadhay Wakhtiga la Fulinayo Soo Jeedintii Guddiga Dhex-dhexaadinta

0
482

“Waxaa naga go’an sidii doorashooyinku inoogu qabsoomi lahaayeen oo ah ta keliya ee Somaliland ku bad-baadayso”… Saylici

“Waxaan u sheegayaa shacbiga iyo cidda danaynaysa doorashooyinka Somaliland in tobanka bisha danbe ay fishaan war ka farxiya inoona hor seedda in”… Guddoomiyaha Waddani

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Xukuumadda Somaliland iyo labadda xisbi mucaarad ee Somaliland ayaa heshiis ku gaadhay in wakhti kooban lagu fuliyo qodobadii ay soo jeediyeen guddigii dhex-dhexaadintu.

Waxaanay isla qaateen labadda dhinac in muddo laba todobaad ah lagu soo af-jaro sidii la isku waafajin lahaa go’aamadii guddiga dhex-dhexaadinta iyo shuruucda doorashooyinka.

Kadib markii kulankoodii labaad ay shalay si wada jir ah xarunta madaxtooyadda ugu yeesheen madaxweynaha Somaliland oo uu wehelinayay madaxweyne ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyeyaasha labadda xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani.

Kulankaasi markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta si wada jira ula hadlay oo faahfaahin ka siiyay waxyaabihii lagu heshiiyay iyo qodobadii lagaga hadlay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani C/raxaam Cirro.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in kulankaasi lagu lafo-gurayay sidii doorashooyinku sida ugu dhakhsaha badan ugu-na suurto-galsan u qabsoomi lahaayeen.

Waxaanu yidhi, “Waxaa maanta (shalay) qabsoomay kulankii labaad ee saddexda guddoomiye xisbi siyaasadeed, iyo anigoo goob joog ka ahaa ka madaxweyne ku-xigeen ahaan.

Iyadoo kulankaasi lagu lafo-gurayay, sidii doorashooyinka Somaliland oo marar badan dib-u-dhac ku yimid, in doorashadaasi sida ugu dhakhsaha badan, ee ugu suurto-galsan inoogu qabsoonto.

Markii aanu isku noqonay, sidii balanta labaad ahayd oo maanta (shalay) ku beegnayd, waxaanu ku heshiinay, sidii loo fulin lahaa go’aamadii ay soo jeediyeen guddiga dhex-dhexaadintu. In loo baahan yahay, sidii arrintaa loo waafajin lahaa xeerarka iyo xalka la isku qabad-siin lahaa, hawshaasina mid midho-dhal ah u noqon lahayd”.

Waxaanu intaas raaciyay, “In muddo kooban, oo ilaa bisha danbe tobankeedda ah, aan ka baaraan-degno sidii hawshaa loo dhamaystiri lahaa, hore-na looga socon lahaa.

Loona fulin lahaa qodobadii ay guddigii duqaydu soo jeediyeen. Labadda guddoomiye ee xisbiyadda UCID iyo Waddani way nala qaateen arrintaasi”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Geesta kale C/raxmaan Saylici, waxa uu cadeeyay in ka xukuumad ahaan ay ka go’an tahay, isla markaana ay diyaar u yihiin sidii doorashooyinku u qabsoomi lahaayeen.

Taasoo uu sheegay in ay tahay dariiqa keliya ee ay Somaliland ku bad-baadi karto. “Waxaa naga go’an dhamaantayo, in wixii hore u soo dhacay aan waxba dib loogu noqon.

Balse maanta aan u diyaar garowno sidii doorashooyinku inoogu qabsoomi lahaayeen, oo ah ta keliya ee ay maanta Somaliland ku bad-baadayso”ayuu yidhi Saylici.

Dhinaca kale waxaa isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), oo sheegay in ay madaxweynaha iyo xisbigiisa isla qaateen in wakhtiga ay u baahan tahay hawsha guddo galka fulinta qodobadii ay soo jeediyeen guddigii dhex-dhexaadintu.

“Waxaanu maanta (shalay) yeelanay kulankii labaad, si aanu hore ugu sii wadno, sidii doorashadu-na u qabsoomi lahayd, soo jeedintii odayaasha-na loo dhaqan gelin lahaa.

Markii aanu aragnay hawshaa culayskeedda, waxaanu isla garanay in ay u baahan tahay wakhti si qodobadii loo fuliyo. Markaa waxaan isla qaadanay I ilaa bisha January tobankeedda, in hawshaasi la siiyo wakhti”ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga Waddani.

C/raxmaan Cirro, ayaa ugu bushaareeyay shacbiga Somaliland iyo daneeyeyaasha doorashooyinka Somaliland in tobanka bisha soo socota ee January la fisho war ka farxiya iyo in xal laga gaadho khilaafkii jiray.

Waxaanu yidhi, “Wakhtiga ay hawshaasi u baahan tahay, waanu la qaadanay, madaxweynaha, xukuumadiisa iyo xisbiga Kulmiye, in ilaa bisha tobankeedda hawsha la guddo gallo, lana soo af-jarro insha ALLAAHU.

Waxaan u sheegaynaa ummada iyo shacbiga reer Somaliland iyo cida danaynaysa arrimaha doorashooyinka Somaliland, in bisha soo socota ee January tobankeedda aanu filayno in war shacbiga Somaliland ka farxiya, inoona hor seedda in doorashooyinku inoo qabsoomaan”.

 

Leave a Reply