wasiirka Hawlaha Guud oo ka Hadlay Hirgelinta Qorshaha Magaleedka Gabiley

0
515

Qore Khadar M .Xaashi

Gabiley (Dawan)- Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo dhulka guriyeynta mudane Cabdirashiid Ducaale Qanbi ayaa ka hadlay qorshe loo sameeyey magaalada Gabiley.

Sidoo kale waxaa uu bulshadda degan goobaha jidadka ah ugu baaqay inay banneeyaan inta aanay nashqadeynta magaaladu soo gaadhin.

Wasiirka wasaaradda hawlah guud dhulk aiyo guriyeynta mudane Cabdirashiid Ducaale Qanbi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Mashruuca ay diyaariyeen golaha deegaanka ee degmadda Gabiley imikana aanu waddno dhammeystirkiisi oo ay dhiman tahay dhammaan waddooyinkii aanu jeexnay in aanu cadeyno, imikana bulshaweynta Gabiley looga baahan yahay meelaha Sandaqadaha aan aheyn ee horyaalla dhismayaasha inay iyaga oo nabada ka qaataan”

Sidoo kale wasiirka hawlaha mudane Cabdirashiid Ducaale Qanbi waxaa uu ka hadlay in ay qorshaha ugu jirto sidii dhulka danta guud loogu wareejinlahaa dawladda waxaanu yidhi “Waxaan halkan ku xusayaa in iyana aanu galnay weji kale oo ah in aanu diyaarino anaga iyo golaha deegaanka ee degmadda Gabiley, dantii guud ee dhulkaasi la qorsheeyay sidii loogu wareejin lahaa dawladda

Leave a Reply