Wasaarada Qorshaynta oo soo xidhay Kulan lagaga Hadlayay Dabagalka Mashaariicaha Hay,adaha Caalamiga ahi fuliyaan.

0
478

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Wasaaradda  Qorshaynta    iyo  Horumarinta    Qaranka ayaa shalay    Tababar  lagaga hadlayay  Qiiimaynta  iyo   Dabagalka heer  Qaran   ee  Mashaariicaha  Hay,adaha Caalamiga  ahi ka    fuliyaan  dalka   usoo xidhay   qaar ka mid ah  Shaqaalaha  Wasaaradda    Qorshaynta .

Agaasimaha   guud  ee  Wasaarada  Qorshaynta  iyo  Horumarinta  Qaranka   Mubaarig  Cabdilaahi  Ibraahim  oo  hadal  ka jeediyay  Xidhitaankii  tababarkan  oo  muddo  lix cisho ah u socday  Shaqaalaha  Wasaarada   Qorshaynta  ayaa   sheegay in u jeedada  tababarkan loo qabtay  tahay    Qiimaynta     Mashaariicda  Horumarineed,waxaanu intaas ku daray  in  tabarkaasi uu wax ka bedelo   Shaqada  Wasaaradda Qorshaynta.

Mubaarig  Cabdilaahi  Ibraahim oo arrimhaas ka hadlayayna waxa  uu yidhi“Waxa  aynu  soo  gabogabaynay  Tababarkii  aad ku jirteen lixda  cisho oo  ay  qaadanayeen Toddobada  waaxood  ee  Wasaaraddu   ka koobantahay,ujeedada  aanu ka lahayna waxa  weeye  madaama  hadda  Siyaasadii  dabogalka  iyo  Qiimaynta    heer  qaran  gabogabo tahay  oo  aanu rejaynayo  in dhawaan  Golaha  Wasiiradu ansixiyaan.waxa  aynu rabnaa in   shaqada  dabogalka  iyo  Qiimaynta  heer   Qaran  oo  aynu    Qaranka  Masuul   uga nahay  in  aynu  boodhka ka tuno  oo  aynu   dedaal badan oo  dheeraad ah galino,waxa aynu rabnaa  in Shaqadaasi   noqoto mid soo gaadha  heerkii loogu talo galay oo  runtii  aan    aaminsanahay in  aanay  gaadhsiisnayn  heerkii loogu talo  galay,markaa  waxa  aynu  doonaynaa  Tababarkan  Shaqaalihii   ka qayb galay in ay  noqdaan marka  la  samaynayo Qiimaynta  iyo  Dabagalka   Mashaariicda  la qiimaynayo in  aad  noqotaan  dadka ka qayb gala waayo  Tababarkii  iyo  Aqoontii  loo   baahnaa  ayaad  qaadateen,markaa in  aad  soo  Qiimaysaan  Mashaariicda  Horumarineed ee  ka socda  dalka  ee ay  maalgalinayaan  Hay,adaha kala duwani  iyo  Xukuumaddda  waxa  aan rejaynayaa in  Tababarkani  noqdo mid  Shaqada  Wasaarada   Qorshaynta wax ka bedela oo  wax  ku soo kordhiya  Shaqadii   aynu Qaranka  Masuulka uga ahayn,”.

Leave a Reply