Madaxweynaha oo Xadhigga Ka Jaray Dhismeyaal Cusub Oo Lagu Kordhiyey Xarunta Guud ee Dab-damiska Hargaysa

0
517

 

“Mudnaanta koowaad ayaynu siinaynaa ciidanka dab-damiska qarankuna waxba ka hagran maayo oo waa ciidan dagaal ku jira”…. Madaxweyne Biixi

 

 

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo loo dhisay ciidanka dab-damiska Somaliland, kuwaasoo laga dhisay xarunta guud ee ciidanku ku leeyahay caasimadda Hargaysa.

Munaasibad kooban oo loo qabtay xadhig-ka jariska dhismeyaasha cusub ee dab-demiska, isla markaana lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay ciidanka Dab-damiska sannadkii tegay ee 2019-ka iyo qorsheyaasha sannadka soo socda.

Waxaana madaxweynaha kala qaybgalay taliyaha ciidanka dab-damiska, sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda Hargeysa, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, hoggaanka ciidamada Booliska iyo Militeriga.

Qaar ka mid ah dhallinyarada ciidanka Dab-damiska, salaadiin, haween iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay ciidanku u leeyihiin guud ahaanba bulshada reer Somaliland iyo badbaadinta nafta iyo hantida muwaadiniinta.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sharraxay kaalinta naf-hurnimada leh ee ay ciidanka Dab-damisku ka ciyaaraan noloshada bulshada iyo badbaadinta nafta iyo hantida muwaadiniinta.

Waxaanu xusay inay xukuumad ahaan ka go’an tahay in mudnaanta koowaad la siiyo ciidanka la dagaallanka dabka.

Isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Mudnaanta koowaad baynnu siinaynaa ciidanka dab-damiska, qarankuna waxba ka hagran maayo oo waa ciidan dagaal ku jira, waxana aan shacabka oo dhan ka codsanayaa inay la shaqeeyaan ciidanka dab-damiska, iyaga iyo qolada ambalaaskuba marka ay gurmadka yihiin waa in waddada loo banneeyaa.”

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale mid mid u kormeeray dhismeyaasha iyo xafiisyada kala duwan ee xarunta ciidanka damb-damisku ku leeyahay caasimadda Hargeysa, isaga oo sidoo kale indhihiisa ku arkay gaadiida casri ah oo xukuumaddu u iibisay ciidamadanka iyo agab casri ah oo lagula dagaallamo dabka.

Sidoo kale taliyaha ciidanka dab-damiska Somaliland Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo warbixin qoto dheer munaasibadda ka jeediyey, ayaa si hufan u sharraxay kaalinta ay ciidanka dab-damisku kaga jiraan nolosha bulshada iyo horumarkoodaba.

Isagoo hoosta ka xarriiqay inay ciidan ahaan sannadihii lasoo dhaafay badbaadiyeen nafo iyo hanti badan oo ay leedahay bulshada reer Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali-koore, maayarka caasimadda Hargeysa, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Mudane Jaamac Xaaji Maxamed iyo ganacsade Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey ciidanka Dab-damiska iyo taliskoodaba, waxana ay bulshada ku boorriyeen inay si dhaw ula shaqeeyaan ciidanka.

Dhinaca kale, waxa madasha lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay ciidanka dab-damiska Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii dhammaaday ee 2019-kii oo ay sameeyeen 942 hawlgal oo lagu badbaadiyey dad, xayawaan iyo hanti dadweyne oo dhibaatooyin kala duwani gaadheen.

 

 

 

 

Leave a Reply