Wasiirka Hawlaha Guud oo Mucaaradka ka Dalbaday in ay soo Caddeeyaan halka lagu Iibiyay Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta

0
541

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay Xisbiyadda Mucaaradka ee WADDANI iyo UCID oo ku ay ku sheegeen in la iibiyay Taliska guud ee Ciidamada Asluubta.

Cabdirashiid Ducaale Qambi oo Warbahinta la hadlay ayaa waxa uu Sheegay in looga baahanyahay in Xisbiyadda Mucaaradka ahi ay Caddeeyaan halka lagu iibiyay Taliska guud ee Ciidamada Asluubta Somaliland ee Hargaysa, waxaana uu intaasi ku daray in Mucaaradnimadu ay tahay wixii Qaranka lagu saxayo.

Cabdirashiid Ducaale Qambi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ciddii sheegtay in Taliska Ciidanka Asluubta la iibshay waa ay caddayn doontaa, Xisbiyada Mucaaaradka waxa ay lahaayeen anagu meeshii qaylo ka soo yeedho waanu soo racnaa, haddii Nin tuugi boqolaal kun dhaco oo la qabto oo meeshii qaylo ka yeedho taladiinu ma in aad soo raacdaan baa”.

Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa waxa uu sheegay in Mucaaradnimadu ay tahay wixii Qaranka lagu hagaajinayo. waxaana uu yidhi “Mucaaradnimadu waa wixii Qaranka lagu saxayo, waa wixii wax lagu hagaajinayo, wixii khalada ee Dawladu leedahay, laakiin macnaheedu maaha wax allaale wixii yeedhaba waan dabo socdaa, ciddii yeedhisay Taliskii Asluubta in la iibshay oo afar milyan oo Doolar ayaa la kala siistay waxa ay ka Caddayn doontaa Xeer Ilaalinta”.

 

 

Leave a Reply