Mashaariicda Horumarineed ee Gobolka Sool Laga Fuliyay Sannadkii 2019-ka

0
768

“Nabadgeliyadda, ka hortaga fal-danbiyeedyadda, heshiisiintii beelaha iyo adeegyadda caafimaadka”…

Qore Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Sannadkii dhamaaday ee 2019-ka, waxaa gobolka Sool ka hirgalay waxqabad muuqda oo dhinacyo badan leh, kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin amaanka, caafimaadka, waxbarashadda, biyaha iyo horumarinta maamul wanaaga.

Waxyaabaha kale ee dhinaca horumarka ah ee gobolka Sool ka qabsoomay sanadkan dhamaaday waxaa ka mida tartankii ciyaaraha kooxaha kubbadda cagta gobolka Sool oo socday muddo bil iyo dheeraad ah, isla markaana ay ka qayb qaateen 16 kooxood oo ka mida kooxaha gobolkaasi.

Sidoo kale arrimaha ugu waaweyn ee sanadkii tegay ee 2019-ka ka hirgalay gobolka Sool waxaa ka mid ah bandhigii carwadda buugaagta Laascaanood, taasoo ay ka qayb galeen abwaaniin fara badan, qoreyaal caan ka ah geyiga Soomaalida, boqolaal dadweyne ah oo isugu jiray weriyeyaal, aqoon yahano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kaloo aad u badan oo Rag iyo haweenba isugu jiray.

Bandhigaasi buugaagta Laascaanood oo si rasmiya uga furmay 10-kii bishii December ee sanadkii 2019-kii, isla markaana socotay muddo toban maalmood ah ayaa noqotay mid si weyn u soo jiidatay indhaha bulshadda.

Guud ahaanba waxqabadkaasi dhinacyadda kala duwan leh, waxa uu gobolka Sool ka hirgalay mudadii uu xilka hayay badhasaab C/qani Maxamuud Jiidhe, kaasoo ay nidaamka maamul ee uu gobolka ka qabtay si weyn ugu riyaaqeen bulshadda gobolkaasi.

Waxaanay bulshadu ku amaaneen C/qani Jiidhe, in uu noqon doono shaqsi ku suntan taariikhda gobolka Sool, isla markaana mudadda uu joogay uu ka hirgeliyay horumarka balaadhan, oo dhinaca amnigu ugu muhiimsan yahay.

Hadaba waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa qaybo ka mida waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee dhinaca horumarka iyo waxqabadka ah ee gobolka Sool ka hirgalay sanadkii tegay ee 2019-ka. Iyadoo aan mid mid isku dul taagi doono waxyaabahaasi Sool ka tis-qaaday sanadkii galbaday.

Sanadkii 2019-ka iyo Magacaabistii Badhasaabka Sool:

C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa shaqadda badhasaabnimo ee gobolkaasi si rasmiya ula wareegay bishii January ee sanadkii 2019-kii. Waxaana sanadkii dhamaaday oo dhan guud ahaanba gobolka Sool ka jirtay nabadgeliyo buuxda iyo xasilooni amni.

Waa kan badhasaabka oo ka hadlayay wakhtiigii uu xilka la wareegay sida ay ahayd xaaladda guud ee gobolka Sool iyo arrimihii ugu horeeyay ee uu shaqadiisa ka bilaabay.

Waxaanu yidhi, “Marka hore madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waan uga mahad celinayaa xilka badhasaabnimo ee gobolka Sool in uu uu magacaabay.

Shaqadu waxay ii bilaabntay 1-dii bishii January ee sanadkii 2019-ka, iyadoo maalintii gobolku uu ku sugnaa xaalad aan wanaagsanayn.

Haddii ay noqoto dhinaca colaadaha, oo dhibaato badani ka taagnayd. Dhinaca siyaasadda oo xiligaa ay doorashooyin ka socdeen maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland”.

Ka Hortaga Fal-danbiyeedyadda iyo Qaramayntii Ciidan Beeleedyadda:

Mudadda uu joogay guddoomiye C/qani Jiidhe, waxaa yaraaday fal danbiyeedyadii ka dhici jiray guud ahaanba gobolka Sool, gaar ahaana magaaladda Laascaanood. Dedaallo lagu dejinayay amniga ayaana lagu talaabsaday, iyadoo la mamnuucay qaadashadda hubka gudaha magaaladda Laascaanood.

Waxaa la qarameeyay ciidan beeleedyo fadhiisimo ku lahaa degaamo kala duwan oo ka tirsan Koonfurta gobolka Sool. Kuwaasoo la kala geeyay degaamadda Tuke-raq ee Bariga Sool iyo Adhi Cadeeye, ee Galbeedka gobolka Sool.

C/qani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka gobolka Sool, oo ka hadlayay sidii ay u dhacday hawshii nabadaynta beello shaqaaqo dhex martay, waxa uu yidhi, “Waxaanu wax ka qabanay, degaamadda gobolka Sool dadkii walaalaha ahaa ee isku dilay Koonfurta gobolka Sool, ee shaqaaqadu dhexmartay.

Waxaanu ka hawl galnay in ciidamadii maleeshiyo beeleedka ahaa, ee isku dilay degaankaasi in ay soo xeroodaan, oo ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland lagu daray, lana qarameeyay, ayna maanta difaaca dalka qayb ka yihiin.

Iyagoo aan beel iyo qolo midnaba u shaqaynin, ee qaranka Somaliland u shaqeeya. Taasi waa guul iyo horumar amaanka laga gaadhay, qayb weyna waxaa nagala qaatay bulshadda gobolka.

Waxaanu u kala wareejinay Duugtii dadkii dhintay, iyo wixii la kala furtayna waxaanu u kala wareejinay beelihii walaalaha ahaa. Gacanta ayaana laga saaray lacagtii iyo dhaqaalihii laga soo qaaday reer walba wixii lagu xumay, waanan ku kala wareejinay”.

Xoojinta Amaanka: 

Xoojinta amniga ayuu sheegay badhasaabku in ay ka gacan siiyeen shacabka gobolka Sool, culimaw-diinka iyo madax dhaqameedka. Kuwaasoo uu C/qani Jiidhe, ku amaanay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen.

“Waxyaabihii sanadkii 2019-ka intii aan joogay gobolka Sool inoo qabsoomay. Marka koowaad sanadkii tegay, astaan baan qaadanay. Astaantaasi oo ahayd horumarka iyo nabadgeliyadda gobolka Sool, ee 2019-ka.

Dhinaca amniga haddii aan ugu horaysiiyo, xaaladda amniga waxaa uu maanta gobolku ku sugan yahay, xasilooni amni iyo mid siyaasadeed. Amniga waxaa qayb weyn ka qaata shaqadda laga qabto iyo sugidda amaanka”ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

La soco qaybaha dambe…. 

 

 

 

 

Leave a Reply