Xukuumadda oo Magaalada Berbera ka Daahfurtay Dugsi Farsamada Gacanta lagu Baran-doono

0
507

Qore Khadar M. Xaashi

Berbera (Dawan):- Wasiirada  wasaaradda horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cbdilaahi Abokor Cismaan ayaa xadhiga ka jaray dugsiga farsamadda gacanta ee magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ee (Berbera Technical College)

Dugsigan oo ay bulshaweynta magaalada Berbera ee gobolka Saaxil ay baahiweyn u qabeen ayaa ah mid wax badan ka tari doona baahiddii loo qabay helitaanka, dad bartay xirfadda farsamadda gacanta.

 

Arritan ayaa ah tusaale muujinaya inay Somaliland  cagta saarnay dhabbihii horumarka iyo wax wada-qabsiga.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda mudane Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dadka dugsigan ka aflaxa lagaga maarmi doono dadkii ajaanibka ahaa ee dalka dibediisa laga keensan jiray waxaanu yidhii  “Waxaa loo baahan yahay in la baro  wiilka ama gabadha halkan ka baxda siday u noqon lahayd iskeed u shaqeeye oo aanay u baahateen cid ay u shaqeyso, waxaanan rejaynayaa in iskuulkani noqon doono kii Somaliland ku haqabtira baahida aynu u qabno farsamo-yaqaan lagaga maarmo ajaanibka dalka dibeddiisa inagaga imaneysa

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa daboolka ka qaaday in ay arrintani muujineyso Somaliland cagta saartay dhabihii horumarka waxaanu yidhi  “Waxaan qirayaa inay maanta Somaliland dhabadda saartay sidii uu dadkani horumar u sameynlaha markaanu ogaaney in iskuulkani shaqeynayo maadaama uu dugsi dawladeed yahay in ardayda ka soo baxda aanu shaqaale ahaan u qaadano”

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply