Wasiirada Warfaafinta iyo Xannaanada Xoolaha oo ka Hadlay Ahmiyadda ay Somaliland u Leedahay in Loo Guuro Xoolo Dhaqato

0
613

Qore:Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Wasiirada Warfaafinta dhaqanka iyo wacy gelinta Salebaan Cli Koore Xannaanada Xoolaha iyo Hurumarinta Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed,ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Somaliland u leedahay in laga guuro xoolo raacato isla markaana loo gudbo Xoolo dhaqato taas oo ay ilmaameen in ay Somaliland ka dhigayso dal dadkiisu ay ku kalsoonaadaan xoolaha ALLE ku mannaystay isla markaana ay ay baahi badan oo jirta kaga bixi karaan suuqyada caalamkana kula tartami karaan dalalka xoolo dhaqatada leh.

Wasiirada oo ka qayb galay munaasibad lagu daah furayay ururka Geellayda Somaliland oo lagu qabtay tuulada Garabis oo caasimadda Hargeysa kaga beegan Koonfur,ayaa sidoo kale soo dhaweeyay ururka Geellayda ee lagu dhawaaqay kuna boorriyay bulshada xoolo raacatada ah in ay u gudubto xoolo dhaqato.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacigelinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo ka hadlayay horumarka xoolo dhaqatadu u leedahay nolosha dadka iyo sida loogu bahan yahay in Somaliland u guurto,aya yidhi. “Runtii  waxay i  xusuusinaysaa   in  Somaliland  dib u dhaqato  geela  xaddaaradii  aadamuhu soo maray  waxa lagu  tilmaami jiray  ugaadhsato markii ku xigayna  waa  xoolo  raacato markii ku xigtayna  waa xoolo dhaqato  marka ku xigtaana  waa beeralay waxa  la yidhaahdaa  Soomaalidu  Xoolo dhaqato ma gaadhin,waxay wali ku jirnaa  Xoolo  raacato waxa  muuqata in ay bilow tahay hadda xoolo  dhaqato ururkan geelayda ayaa ugu  caansanaan doona  Somaliland  ee bilaabay  Xoolo dhaqatada.,waana horumar loo baahan yahay in lagu baraarugo xoolo dhaqatonimadu taas oo ka horumarsan xooloo raacatonimada oo dheefteeda dhibteedu ka badan tahay.”.

Wasiirka  Wasaaradda  Xannaanada  Xoolaha  iyo  Horumarinta   Kalluumaysiga  Siciid  Sulub Maxamed  ayaa    bulshada u soo jeediyay in ay wxooga aaminaan oo aanay u hanqal taagin wax aanay lahayn oo dal shisheeye ay ka sugaan,waxanu intaa raaciyay in loo baahan yahay in laga faa,iidaysto khayraadka ALLE innagu mannaystay oo ay ugu horreeyaan xoolaha nool.

Waxaanu yidhi. “ummadu   hadday ku  kalsoonaan waydo  waxa  ALLE  siiyay oo ay u hanqal taagto  wax  aan  waddankeeda  ka bixin oon oollin baahi kama baxdo, waxa ay  odhan  jireen  dadkeenii  hore  wankaa  madaxa madaw  ayay  isku haystaan  adduunyada  oo dhammi     Xoolaha  waxa u qaalisan  geela wax lagu kala samro oo  nin  boqolle ah  oo la   dilay  lagu kala bogsado  geel  ayaa jira,markaa  waxaaynu u haysanay  cad iyo  caano dhoofkii  ayaynu  baranay  in aynu  dibedda u iib gayno haddii  aynu isku tashi galno beero hanoqoto ama  geel  Lo   iyo  adhiba hanoto  wixii  aynu  haysano  oo aynu kobcino oon adduunyada kula tartano wax badan  ayaynu kaga kaaf toomaynaa.”.

 

Leave a Reply