Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo soo Dhaweeyay Heshiiskii lagu soo Afjaray Jabhadii Kornayl Caarre

0
483

Qore:Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Guddoomiyaha  Xisbiga  Mucaaradka ah  ee UCID Eng Faysal  Cali  Waraabe,ayaa soo dhaweeyay    heshiiska iyo wada hadalkii lagu soo afjaray    Khilaafkii   u   dhaxeeyay  Xukuumadda  Somaliland iyo    Jabhadii  kornayl  Siciid  Cawil   Caarre.

Waxaanu ku bogaadiyay madaxdhaqameedkii hawshaa ka soo shaqeeyay iyo xukuumadda oo wada jir arrintaa uga wada socday iyo Cornayl Caarre oo nabad qaaday isla markaana diiday in uu cadaw ku noqdo Somaliland.

Waxaa kale oo uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay qaar ka mid ah madaxd dawladda calmku wardiyeeyo ee Muqdisho.

 

Guddoomiyaha UCID oo  ugu horrayn ka hadlayay soo afjaridda arrinta jabhadda Kornayl Caarre,ayaa yidhi “Waxaan  u mahadnaqayaa  dadkii  ka  soo   shaqeeyay  in ay  soo  dhamaato   arintaa   Jabhadii  Caarre  oo  ugu  horreeyo  Suldaan  Maxamed  Xirsi  Xirsi  Qani  ALLE  Caafimaad ha siiyo iyo  intii  kale  ee  gacanta  siisayba,waxaanan ku  hambalyaynayaa  Kornayl  Caarre   oo   wax  kasta    lagu  baayacay   oo   diiday  in  uu  calanka    Soomaliya  qaato,dad  badan  oo cadaw ahi    Maanta way     daadan  doonaan  waxaanan jecelay waxyaabaha kale  ee  inoo  hadhsanna  in  sidaas  oo  kale ay   ku dhamaadaan  waxa  kale  oo aan  Hambalyaynayaa  dadkii    Ceel-afwayn  nabadda ka dhaliyay,”.

 

Guddoomiye Faysal oo jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay qaar ka mid ah madaxda Muqdisho lagu waardiyeeyo,ayaa sheegay in Somaliland ay awood u leedahay in ay iska difaacdo cadaw kasta oo isku daya in uu qaranka Somaliland waxyeello u geysto,waxaanu intaa ku daray in Somaliland aanay marnabadiyaar u ahayn in ay cid dulmido isla markaana aanay cidna ka aqbalayn in ay ku soo xad gudbaan qarannimada Somaliland.“Somaliland  cid ka xoog wayni majirto   hadday  is yidhaahdeen  buuqaa yar ayay ku taag   daran   yihiin    ma taag   darnin  dulmi  annagu  ma rabno,Taariikhda  waligeed lagama  guulaysan  Somaliland   dib  iskugu  noqda  ayaan  leeyahay   ninki  lahaa  Somaliland  ha lala  xisaabtamo.”.

Leave a Reply