Deeq Lacageed oo la Gaadhsiiyey Ehelada Qoys ku Naf-waayey Dayr ku Dumey

0
485

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Mustafe Aadan Muuse ayaa deeq lacageed oo dhan 940 dollar ku wareejiyey eheladda qoyskii, ku naf-waayay gurigooda oo ku dumay.

Waxaa lacagtani soo urruriyey Yuusuf Xasan Naaleeye oo jooga dalka UK, gaar ahaan magaaladda Coventry, una soo wakiishay Cabdirisaaq Dhabayaco iyo Mustafe Aadan Muuse, kuna wareejiyey Caaqil Cabdillaahi Cali Jaamac, iyo Axmed Aadan Cabdi oo ah eheladda Marxuunkii isaga iyo qoyskiisu ay ku naf-waayeen masiibadii gurigooda ku heshay.

Mustafe Aadan Muuse oo bare ka ah Jaamacadda Hargeysa ayaa ugu horreyn faahfaahin ka bixiyey qadarkan lacageed ee loo soo wakiishay, waxaanu yidhi “Hawsha saaka aynu halkan u fadhina waxaa ay tahay qoys dhammeystiran oo dhawaan masiibo Qaran heshay oo gurigoodi ku soo dumay, ayaa nin ka mida walaalaha ku nool magaalada Coventry ee dalka UK, waxaa uu soo urruriyey lacag dhan sagaal boqol iyo afartan dollar, taasi oo uu nagu soo hagaajiyey aniga iyo Cabdirisaaq Dhabayaco, lacagtii ayaanu ku wareejin doona Caaqil Cabdillaahi Cali Jaamac, iyo marxuunkii dhintay walaalkii Axmed Aadan Cabdi.

Waana lacag dhan sagaal boqol iyo afartan hada ayaan u dhiibay oo aan ku wareejiyey ehelada Marxuunkii isaga iyo qoyskiisu ay ku naf-waayeen gurigoodi ku dumay, walaallkii Axmed Aadan Cabdi, waxaana masiibaddaasi ku naf-waayay marxuum Faysal Aadan Cabdi laba ubada iyo marwadiisi ILLAAHEY haw naxariisto,”

Dhinaca kale Caaqil Cabdillaahi Cali Jaamac kana mida eheladda qoyskii ku dhawaan ku dhammaaday masiibadii gurigooda ka dhacday ayaa mahad celiyey intii deeqdaasi lacageed soo urrurisay iyo intii ka qayb qaadatayba waxaanu yidhi “Waanu u mahad celineyna bulshadda is xilqaatay ee dalka dibadiisa gaar ahaan UK ka soo urruriyey lacagtaasi kuna soo hagaajiyey Cabdirisaaq Dhabayaco, ee uu noo keenay Mustafe Aadan Muuse, taasi oo dhan sagaal boqol iyo afartan dollar, aad iyo aad ayaanu idiinku mahad celineynaa waad mahadsan tihiin, ILLAAHEY miisaanka xasanaadka heydinku daro”

“Waxaa qoyskii gurigu ku dumay soo gaadhsiiyey sadaqo wiil dalka UK, ka soo diray oo la yidhaaho Yuusuf Xasan Naaleeye, waan ka gudoomey lacagtaasi aniga oo ah marxuunka dhintay walaalkii, lacagtaasi oo uu nagu wareejiyey Mustafe Aadan Muuse lacagtuna waa sagaal boqol iyo afartan dollar, waad mahadsan tihiin ILLAAHEY halkii aad ka soo saarteen kheyr heydinku baddelo, waxaana iska leh lacagtaasi wiilkii ka hadhay qoyskii masiibada ku gurigooda ka dhacay ka badbaaday”Ayuu yidhi Axmed Aadan Cabdi ahna walaalka marxuunkii geeriyooday.

 

 

 

Leave a Reply