Gabiley: Sarkaala Boolisa oo ILLAAHEY Hibo u Siiyey Sameynta Agabyadda Hidaha iyo Dhaqanka

0
1429

Qore Khadar M. Xaashi

Gabiley (Dawan) Soomaalidu waxaa ay gaar u lahaan jirtay qorista farshaxano cajiiba, islamarkaana koobsan jiray baahida aqalka Soomaalida u gaarka ah ee Aqal Soomaaliga.

Waxaana hawsha gurigani sameyntiisu ay u kala qaybsanayd Ragga iyo Haweenka.

Cabdillaahi Maxamed Siciid (Nadaafa) oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Somaliland, waa muwaadin ILLAAHEY hibo u siiyey qorista iyo qurxinta agabyadda hidaha iyo dhaqanka oo ay badi iloobeen bulshadda ku faani jirtay.

Geesta kale Cabdillaahi waxaa uu dhalinyaradda ugu baaqay inay xoogga saaraan horumarinta wixiii ay dhaqanka u leeyihiin, waxaanu sidan ka sheegay wareysi uu siiyay Tv-ga Horn Cable.

Cabdillaahi Maxamed Siciid (Nadaafa) ahna sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Somaliland isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaan ahey laba xidigle booliska ah hawshaasi ayaan wadaa oo waa Nicata Rabbi, laakiin dadku waa mid uu ka tagey beri hore oo xagga caagadaha la qaato, weysadda geella waxaa lagu maala daasado iyo wax aan la garaneyn, Xeedhadii waan hayaa oo waan sameeya iyagana.

Markii hore waxaa aan ku bilaabay Weyso markii danbe waan kordhiyey oo dadka dalka yimaada iyo kuwa sii dhoofaya ayaa iga iibsan jiray, intaasi wixii ka danbeeyayna waxaa aan ku daray Dhiilaha waan balaadhiyey hawshi”

Cabdillaahi Maxamed Siciid (Nadaafa) ayaa bulshada u sharaxaya agabyaddan kala duwan ee Hidaha iyo Dhaqanka geedka uu ka qoro waxaanu yidhi “Geedka kaliya ee aan agabkani ka qoraa waa geedka Baxarasaafka, ileyn gurya hortood ayuu ku yaala markay iska gooyaan ayaan anigu ka faa’ideystaa, laakiin ma jaro geed qoyan oo manaafacaad-leh, dadku waxaa ay yidhaahaan ‘waa kuweeni hore ee aynu isticmaali jirnay’ oo dhaqankeeni ayaynu ka tagney ayay yidhaahaan oo waa ay is canaantaan, qaarna waxaa ay yidhaahaan waar ma caagadyar oo aad ku weysaysato ayaad waayeysaa.

Anigu waxaan leeyahay oo aan jeclaan lahaa in aan dhaqanka laga tagin oo ay dhalinyaraddu soo jeesato”

 

Leave a Reply