Mashaariicda Horumarineed Ee Gobolka Sool Laga Fuliyay Sanadkii 2019-ka. Qaybtii 3aad

0
526

Qore Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Qaybtan oo ah qaybtii saddexaad, ee warbixino taxane ah oo aan kaga hadalnay mashaariicdii ugu waaweynaa ee dhinaca horumarka ee sannadkii tegay ka hirgalay gobolka Sool.

Waxaan ku soo qaadan doonaa waxyaabaha laga qabtay arrimaha ilaalinta degaanka iyo ka hor taga xaalufka iyo Dhuxulaysiga, carwadii bandhiga buugaagta Laascaanood, Ciyaaraha, Dayac-tirka iyo dhismaha Waddooyinka.

Banaynta Waddooyinka magaaladda Laascaanood, mashruucii weynaa master plan-ka, horumarinta Waxbarashadda iyo tiradda dugsiyadda la dhisay, xoolo tiradoodu gaadhayso hal milyan iyo dheeraad neef oo la tallaalay iyo qodobo kale.

ILAALINTA DEGAANKA IYO KA HOR TAGA XAALUFKA IYO DHUXULAYSIGA:

Degaanku waa Udub-dhexaadka ay nolosha dadku ku tiirsan tahay, waxaana dhibaatooyinka degaanka haysta ka mida xaalufinta, nabaad-guurka dhirta iyo is-bedelka cimiladda guud ahaanba caalamka.

Waxaanay wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland sanadkii tegay ee 2019-ka gobolka Sool ka fulisay hawl gallo lagu joojinayay xaalufinta dhirta oo gaadhaya ilaa 35 hawl gal.

Hawl galadaasi oo lagula dagaalamayay kooxo jarayay dhirta kadib na Dhuxul ka dhigaya. Waxaana dib loo beeray in ka badan 3500 oo geed. Kuwaasoo badi lagu beeray degaamadii ay kooxaha Dhuxulaysatadu dhirta ka jareen.

Waxa kaloo degaamadda laga qabtay tababaro iyo wacyigelino, la xidhiidha xaalufinta lagu hayo dhirta.

Waa kan isu-duwaha wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ee gobolka Sool Jaamac Maxamuud Xaaji Saalax, oo ka hadlayay waxyaabihii ay dhinaca degaanka ka qabteen sanadkii tegay ee 2019-ka.

“Sanadkii dhamaaday ee 2019-ka, waxyaabo badan ayaa noo qabsoomay. Waxaana ka mida, xagga degaanka wax baanu ka qabanay, xaalufka iyo duur joogta, labada ba wax baanu ka qabanay. Dhiraynta wax baanu ka qabanay, soo celinta dhulka la qabsaday wax baanu ka qabanay.

Ilaa 35 meelood ayaanu ka hawl galnay. Waxaanu bur-burinay Dhuxul aad u fara badan, oo dhulka qaar laga shiday. Waxaanu soo celinay dhul la deegaameeyay, oo ilaa shan goobood ahaa. Dad badan oo Ugaadh laayay, waanu soo qabanay, waanan xidh-xidhnay” ayuu isu-duwaha wasaaradda degaanka ee gobolka Sool.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxa kaloo jira dad si sharci darro ah uga ganacsadda Harimacadka. Waxaanu ku guulaysanay in aanu soo qabanay sanadkii tegay, laba Harimacad, oo lagu qabsaday si sharci darro ah, oo la doonayay in la iib geeyo.

Waxaanu ka samaynay degaamadda Hawdka oo dhan oo uu Harimacadku ku nool yahay, wacyigelin fara badan, in la joojiyo Harimacadka ugaadhsigiisa”.

BANDHIGII CARWADDA BUUGAAGTA LAASCAANOOD:

Bandhiga buugaagta caalamiga ah ayaa dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2019-ka markii u horaysay lagu qabtay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Waxaana bandhigaasi lagu qabtay garoonka Kubbadda cagta Laascaanood ee Cabdi Bille Cabdi, 10-kii bishii December ee sanadkii tegay ayaanay si rasmi ah u furantay carwadaasi.

Waxaana qaban qaabadda iyo isku duba ridka bandhigii buugaagta Laascaanood iska lahaa ururka waddaniga ah ee SVO, oo ah urur ka shaqeeya arrimaha bulshadda, isla markaana ka hawl gala gobolka Sool iyo degaamo kale.

Taasoo socotay muddo saddex maalmood ah. Bandhigii buugaagta Laascaanood waxaa madashii daah-furka ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo ka socday xukuumadda Somaliland, xisbiyadda siyaasadda, ururadda ka shaqeeya dhiiri gelinta qoraalka iyo akhriska.

Wasiirro ka socday dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, aqoon yahahno ka kala yimid meello kala duwan oo dhulka Soomaalida ah iyo sidoo kale kuwo ka yimid wadamadda dibadda, madax dhaqameed, iyo marti sharaf kale.

Bandhig carweedkaasi ayaa lagu soo bandhigay agabyada hiddaha iyo dhaqanka iyo noocyadda kala duwan ee buugaagta ay bulshooyinkii ka soo qayb galay ay qoreen.

Qabashadda bandhiga buugaagta ee Laascaanood ayaa noqotay mid si weyn u soo jiidatay guud ahaanba indha bulshadda Soomaalida oo dhan, gaar ahaana Somaliland.

Taasoo meesha ka saartay fikirkii ay hore bulshadu uga qabeen gobolka Sool iyo magaaladda Laascaanood, iyadoo noqotay mid wax badan ka bedeshay xaaladda gobolka.

CIYAARAHA:

Tartamadda ciyaaruhu waxay ka qayb qaataan is-dhex galka dhalinyaradda. Dhalinyaradu-na waa cudduda iyo xooga mustaqbalka, kuwaasoo horumarka gaadhsiin kara gobolka haddii loo jiheeyo hilinka toosan.

16 kooxood ayaa ka qayb galay tartan ciyaareed kubbadda cagta ah oo lagu qabtay garoonka ciyaaraha magaaladda Laascaanood ee Cabdi Bille Cabdi, tartankaasi oo socday muddo 35 maalmood ahaa.

Sidoo kale Orodka Marathon-ka oo la ordayay 5 KM oo ay ku tartamayeen 120 dhalinyaro orod yahano ah, ayaa ka mid ahaa tartamadii lagu qabtay gobolka Sool sanadkii 2019-ka. Orod yahamadii galay kaalmaha koowaad, labaad ilaa tob-naad ayaa la gudoonsiiyay abaalmarino kala duwan.

DHISMEYAASHA WADOOYINKA IYO MASHAARIICDA DANTA GUUD:

Waxaa dhismihii weli socdaa oo mashaariicda sanadkii tegay la bilaabay ka mid ah, Kawaanka gawraca xoolaha ee xaafadda Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Waxaa iyad-na heer gebo gebo ah maraysa Waddada garoonka diyaaradaha magaaladda Laascaanood, taasoo dhererkeedu gaadhayo 5 KM.

Waxa kaloo dayactir lagu sameeyay Waddada Laamiga ah ee xidhiidhisa Adhi Cadeeye iyo Yagoori. Waa kan badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo sharaxaya dhismeyaasha Sariibadaha iyo Waddooyinka laga hirgeliyay gobolkaasi.

“Kawaanka Gawraca Laascaanood oo hal-bawle ah, oo gobolku iska leeyahay, oo dadku ay leeyihiin, dumarka Hilibka iyo Khudaarta iibiyaa ay iska leeyihiin, ayaa la sameeyay, oo weli dhismihiisu socdaa. Xaafadda Sayidka ee magaaladda Laascaanood ayaana laga dhisay” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaad og tihiin Dab-demiskii oo imika qandaraaskiisii la bixiyay, oo dhawaan bilaabmayo dhismihiisu.

Laamiga garoonka diyaaradaha Laascaanood oo 5 KM ah, ayaa isna imika geba gebo maraya. Mashruucii JPLG-ga ee dawladaha hoose, ayaa sanadkii dhamaaday Laascaanood lagu daray”.

BANAYNTA WADOOYINKA MAGAALADDA IYO MASHRUUCA MASTER PLAN-KA:

Mashaariicda ugu muhiimsan ee sanadkii tegay laga hirgeliyay gobolka Sool waxaa ka mida banaynta jidadka magaaladda dhex mara, iyadoo sanadkii 2019-ka markii u horaysay magaaladda Laascaanood laga hirgeliyay mashuuca master plan-ka.

C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa faahfaahin ka bixiyay mashruuca master plan oo sanadkii tegay laga hirgeliyay magaaladda Laascaanood.

Waxaanu yidhi, “Mashruucii weynaa ee master plan-ka, wuxuu ka mid yahay mashaariicda ugu waaweyn ee sanadkii 2019-ka ka qabsoomay gobolka Sool, kaasoo wax badan lagaga qabtay wadooyinka magaaladda.

Waddada hawl-bawlaha ah ee badhtamaha magaaladda Laascaanood ayaa la baneeyay, guriga iyo Laamiga looma dhexeeyo. Booska uu qofku leeyahay iyo Waddada looma dhexeeyo.

Taasina waxay soo saartay, oo imika hay’adaha caalamiga ah iyo dawladda jamhuuriyadda Somaliland ka dalbanaynaa in jidka badhtamaha magaaladda marra oo qaybo ka mida ay bur-bursan yihiin in la sameeyo”.

HORUMINTA WAXBARASHADDA:

Marka aynu eegno dhinaca waxbarashadda mshaariic fara badan oo horumarineed ayaa laga sameeyay waxbarashadda gobolka Sool, iyadoo dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyay dugsiyo waxbarasho.

Badhasaabka gobolka Sool waxa kaloo uu ka warbixiyay mashaariicda dhinaca waxbarashadda ah ee horumarka laga sameeyay.

Waxaanu yidhi, “Magaaladda Adhi-Cadeeye, dugsi boarding ah oo weyn ayaa ku yaalla Meello kaloo badan oo xarumaha waxbarashadda ah ayaa hore looga qabtay gobolka Sool”.

Sidoo kale isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool ayaa isna ka warbixiyay waxqabadka dhinaca waxbarashadda ee sanadkii 2019-ka laga hirgeliyay gobolka.

“Mashaariic fara badan oo waxbarashadda ah ayaa laga qabtay gobolka Sool. Mashaariicdaasi oo isugu jirta dhismaha dugsiyo cusub, kuwo la dayactiray, iyo kuwo la kordhinayay. Ilaa 18 dugsi dayactir ayaa lagu sameeyay. Waxaa la dhisay oo kale ilaa 5 dugsi oo cusub.

Dugsiyo cusub oo bulshadu dhistay, oo dawladda lagu wareejiyayna way jiraan. Dhamaantood dugsiyadasi way wada shaqeeyaan. Waxa kaloo gobolka Sool laga dhisay dugsi, aad iyo aad u weyn, oo boarding ah, oo hadda shaqeeya, oo imika-na ardaydii ugu horaysay ee fasalka afraad ee dugsiga sare ka baxday, ardaydii dalkoo dhan ugu sareeyay ayay ka mid ahaayeen.

Waxa kaloo ay dawladu hirgelisay dugsiga Adhi-cadeeye, (Adhi-cadeeye Technical school), oo ah mid boarding ah, oo cunatadii ay ardaydu helayso, waxbarashadii, jiifkii iyo wixii kale ee ay u baahdaanba ay ka helayaan.

TALLAALKA XOOLAHA NOOL:

Gobolka Sool bulshadda ku nool waxaa dhaqaalahoodda laf-dhabar u ah xoolaha nool, si loo daryeelo caafimadka xoolaha waxaa sanadkii dhamaaday ee 2019-ka la daaweeyay xoolo fara badan, oo isugu jiray Geell iyo Adhi.

Xoolahaasi la daaweeyay waxay tiradoodu gaadhaysay hal milyan sideed boqol, lixdan iyo lix kun iyo laba boqol iyo labaatan neef, oo Adhi ah.

Waxa kaloo la daaweeyay Geel tiro ahaan gaadhaya sideed boqol, sideetan iyo lix kun, lix iyo labaatan neef.

Isku soo wadda duuboo, sanadkan dhamaaday ee 2019-ka ayaa gobolka Sool u ahaa mid horumar la taaban karro oo dhinacyo badan leh uu ka hirgalay.

DHAMAAD.

 

 

Leave a Reply