Imaam Axmad Ibnu Xambal ayaa waydiiyay Xaatim Al’asam, sidee dhibaatada dadka looga bad’baadi karaa?. Xaatimna waxa uu ka mid ahaa dadka xikmada iyo caqliga Allah siiyay waxaana uu ugu jawaabay :
“ Maalkaaga wax ka sii dadka, maalkoodana Faraha uga qaad!.. way ku dhibayaan adigu qofna ha dhibin. Marka ay waxa kaaga baahdaan u qabo, iyagna marna haku dhibin waxaad u baahan tahay in ay kuu qabtaan ama ku siiyaan!. Imaamkii ayaa ku yidhi Xaatimow arintaas way adag tahay.
Xaatimna waxa uu ku yidhi “ Arinkaasi wanaagsan ayaad dhibka dadka kaga badbaadaysaa”.
Sheekhii Yaxya binu Mucaad isaguna waxa uu yidhi: “ Aadmigu waa maskiin sida uu fakhriga iyo saboolnimada uga baqayo hadduu uga cabsan lahaa Naarta wuu badbaadi lahaa, Sida uu Hantida u jecel yahay hadduu u jeclaan lahaa Jannada wuu gaadhi lahaa. Waa inaad iska saamaxdaa qof kasta oo ku xumeeya.