Markii u aabaha oo uu wiilkiisu la socdo uu safarka u baxay isagoo ka baxay Riyaad kuna socday Damaam, waxaana uu sii maray hooyadii. Markii uu sheegay inuu safar ugu baxayo Damaam ayay hooyadii ku tidhi sii qaado bustahan, laakiin aabaha ayaa diiday ilaa ay ku khasabtay oo uu sidaasi ku qaatay. Maxa yeelay waxay siteen qalabka dhaxanta gaadhiguna wuxuu lahaa Ac.
Iyagoo safarkii dhexda kaga jira saacaduna ay tahay 1:30 Habeenimo ayaa dariiqa dhexdiisa ku arkeen gaadhi taagan iyo laba nin oo ag joogay oo gacmaha u taagay. Aabaha ayaa joojiyay gaadhigii, waxa ka muuqatay labada nin gaajo iyo dhaxan si daran u haysay , raashin ayuu siiyay bustihii suufka aha ee hooyadii soo siisay wuu ku caawiyay si ay dhaxanta uga huwadaan..
Waxaana uu ku yidhi u duceeya hooyaday ayaa igu khasbatay inaan qaato bustahan. Labad nin aad ayay u duceeyeen. Gaadhigii ayuu u jiiday ila uu gaadhsiiyay meel loogu hagaajiyo. Labada nin ayaa aad raali uga noqday oo isagana u duceeyay samafalka uu u sameeyay.
Muddo shan sano ka dib ah ayaa Aabaha , hooyada, iyo lix caruur ah oo uu ku jiro wiilkii habeenkii la socday uu goobtii uu ka caawiyay labada nin uu gaadhigii kaga xumaaday. Qoyska oo yaaban ayaa wakhti yar ka dib waxa agtooda soo joogsaday gaadhi, waxaana uu doonaya inuu caawiyo markii uu akay in mushkuladi haysato.
Waxase yaab noqotay in gaadhiga ay wataan labadii nin uu habeenkii shanta sano ka soo wareegtay uu caawiyay. Kamana ay tegin ilaa ay gaadhigii wixii ka kharibnaa la dhameeyeen oo ay goobtii ka dhaqaaqeen. Waa sidaasi aduunyada wanaaga aad samasyso ayaa keena wanaag kale oo aad hesho wakhti aad u baahan tahay..