Madaxweyne Muuse oo Cisbitaal ku Booqday Madaxweyne ku Xigeenkii Hore ee Somaliland iyo Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Qaranka

0
505

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay booqasho ugu tegay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo xaalad caafimaad loo dhigay Cusbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa, halkaasoo uu madaxweynuhu sidoo kale ku booqday Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka oo isna caafimaad loo dhigay.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo taliyaha ciidamada Booliska, ayaa wakhti kooban la qaatay Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo xaaladdiisa caafimaad haatan fiican tahay, waxaanu madaxweynuhu ka xog-waraystay xaaladdiisa bukaan iyo waxyaabaha uu u baahan yahay in loo qabto.

Mujaahidka, ayaa Madaxweynaha si fiican ugu faahfaahiyey xaaladdiisa isagoo sare fadhiya, waxaanu u sheegay in uu aad u fiican yahay, alle ka rejjaynayo in uu ka dulqaado xannuunka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ugu duceeyey mujaahidka in alle caafimaad sareecana siiyo, ayaa sidoo kale warbixin la xidhiidha suurto-galnimada waxyaabaha loo baahan yahay in loo qabto ka dhegaystay Dhakhtarka xaaladdiisa gacanta ku haya.

Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee wehelinayey, ayaa Eebbe uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo mujaahidka oo haatan ku jira xaalad kasoo rayn ah oo aad u wanaagsan.

Madaxweynuhu waxa kale ooo uu isla Cusbitaalka Gargaar ku booqday Gaashaanle dhexe Cali Maxamedow oo katirsan ciidanka qaranka, kana mid ahaa mujaahidiintii dalka usoo halgamay kaas oo xaalad caafimaad Cusbitaalka ugu jira.

Geesta kale, Mujaahid Xasan Ciise waxa Cisbitaalka ku booqday labadii maalmood ee u dambeeyey masuuliyiin tiro badan oo ay kamid yihiin xubno kamida hogaamiyeyaaasha asxaabta qaranka.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii ugu horeeyey ee dalka Xukuumaddii Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa kamida ashkhaasta loogu ixtiraamka badan yahay Somaliland ee haldoorka ah, waxaanu tobanaankii sannadood ee u dambeeyey ahaa siyaasi u badan dhanka samo-talisnimada iyo ka tallo bixinta arrimaha muhiimka u ah qaranka.

Leave a Reply