Tartan Ciyaareed (Bidhi Cup) Oo Burco Ka Furmay

0
494

Burco (Dawan)- Tartan ciyaareed Kubbadda cagta oo lagu dhiiri gelinayo laguna maamuusayo xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa shalay ka furmay magaaladda Burco.

Waxaana tartankaasi soo qaban qaabiyay xubno ka mida bahda ciyaaraha gobolka Togdheer, kaasoo ay ku dhiiri gelinayaan xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco.

Tartankaasi oo loogu magac daray Bidhi Cup, ayay u jeedadiisa ku sheegeen xubnaha soo qaban qaabiyay mid ay ku dhiiri gelinayaan xildhibaan Mubaarig Bidhi, oo si weyn uga shaqeeya arrimaha sports-ka iyo dhiiri gelinta dhalinyaradda.

Waxaana tartankaasi ka qayb qaadanaya lix kooxood, waxaa ciyaari doona qaar ka mida ciyaartooygii hore ee gobolka Togdheer, kuwii dhexe iyo kuwa dhalinyaradda ah.

Dhalinyaradda soo agaasimay tartankani ayaa xildhibaan Mubaarig Bidhi, ku amaanay kaalinta fir-fircoon ee uu ka qaato arrimaha ciyaaraha iyo barnaamijyadda horumarinta iyo dhiiri gelinta dhalinyaradda.

Sidoo kale waxaa furitaanka tartan ciyaareedka Bidhi Cup hadalo ka jeediyay qaar ka mida siyaasiyiinta xisbiyadda iyo masuuliyiin kale.

Tartan ciyaareedkani oo socon doona muddo bil ah, waxaa maalgelintiisa iska kaashaday kooxaha Kubbadda cagta ee ka qayb qaadanaya tartankaasi.

Geesta kale xildhibaan Mubaarig Bidhi, ayaa si weyn uga dhex muuqda guud ahaanba mashaariicda horumarinta iyo arrimaha bulshadda ee gobolka Sool gaar ahaana dhinacyadda ciyaaraha iyo arrimaha dhalinyaradda.

 

 

 

Leave a Reply