Raashinka Badan Iyo Gabowga !

0
519

Daraasad caafimaad oo la sameeyay ayaa cadaysay in Calories-ka  raashinka laga helo oo la yareeyo ay kaalin weyn ka qaadato gabowga. Daraasaddan oo lagu sameeyay dad raashinka ay qaadan jireen iska yareeyay ayaa cadaysay in dadkaa ay hoos u dhacday howsha “metabolic” ee keenta gabawga.

Raashin yarida cimriga ayay dheeraysaa “ waa xikmadaha ku baahay dunida” waxaana arintaasi sugay cilmiga ka dib darasaado is daba joog ah oo la sameeyay. Cilmi baadhistan waxaa ka qaybgalay 200 oo qof oo raashinka iska yareeyay muddo Labo sano ah, waxaana caddaatay in heerka “metabolic” uu hoos u dhacay, ka dib markii uu miisaankooda hoos u dhacay celcelis dhan 9 Kg.

Waxa kale oo hoos u dhacday heerka oxidative-ka ee xidhiidhka la leh cudurrada dhiig-karka, Sonkorta, Alzheimer’s, iyo cudurro kale oo da’da iyo gabowga xidhiidh la leh. Sidaad darteed,  Cilmi baadhistan waxa ka soo baxday natiijo ah in raashin koobani uu dhiirrigeliyo unugyada mas’uulka ka ah howlaha calorie, hormoonnada iyo genes-ka, kuwaas oo dhammaantood ka qayb qaatay in dib loo dhigo caalamadaha biology-ga ah ee xidhiidhka la leh gabowga.

Leave a Reply