Laascaanood: Badhasaabka Oo Soo Kormeeray Hab-Sami-u-Socodka Tababarka Mashruuca JPLG

0
502

Qore Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool ayaa kormeer ku soo maray xarunta dawladda hoose ee Laascaanood oo uu ka socdo tababarka shaqaalaha loo diyaarinayo mashruuca JPLG horumarinta oo dhawaan magaaladaasi laga bilaabayo.

Waxaanu badhasaabku soo indha-indheeyay hab-sami u socodka dhalinayradda la doonayo I ay ka shaqeeyaan mashruuca horumarinta dawladaha hoose oo la qorsheeyay in uu horaanta sanadkan ka bilaabo Laascaanood.

Tababarkaasi oo socda muddo 12 maalmood ah, ayaa markii badhasaabku gaadhay hoolka uu tababarku ka socdo waxaa halkaasi joogay maayarka Laascaanood iyo xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Laascaanood.

C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa kula dar-daarmay golaha degaanka Laascaanood, shaqaalaha loo tababarayo mashruuca JPLG in ay mudadda loogu tallo galay kaga faa’iidaystaan tababarkaasi, isla markaana bulshadda uga faa’iideeyaan.

Si bulshadda degaankaasi ay u gaadhaan horumarka la qorsheeyay in laga fuliyo degaamadda gobolka Sool gaar ahaana magaaladda Laascaanood.

Waxaanu yidhi, “Mashruucan marka koowaad waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, madaxweyne ku-xigeenka iyo wasiirka arrimaha gudaha, ooh awl adag ka galay in mashruuca JPLG uu Laascaanood soo gaadho.

Mashruuca JPLG, waa mashruuc lagu horumarinayo degmadda Laascaanood. Dhamaanba waxyaabaha ay degmo ku horumarto ayaa hoos imanaya.

Hadba sida aad tababarkan iyo casharadda u qaadataan, waxay ka turjumi doontaa sidii degmadeenu u horumari lahayd”.

Geesta kale C/qani Jiidhe, ayaa ka warbixiyay u jeedadda kormeerka uu ugu yimid goobta uu ka socdo tababarka mashruuca JPLG loogu diyaar garoobayo.

Waxaanu kula dar-daarmay ka qayb galeyaasha tababarkaasi gaar ahaana xildhibaanadd ain ay ku dedaalaan sidii ay casharadda uga faa’iidaysan lahaayeen.

“Waxaan idiinku imid, in aan wixii jira xaqiijiyo. Aad baan ugu mahad celinayaa xildhibaanadda oo badankoodii ka soo qayb galeen. Waxaan idinkula dar-daarmayaa, xildhibaanadda masuuliyad gaara ayaa saaran, oo aan saarnayn shaqaalaha, sidaad uga faa’iidaysataan ayaad degmadda iyo bulshada-na wax ugu tari doontaan”ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Mashruucani wuxuu yeelan doonaa daba-gal fara badan, maadaama oo uu yahay mashruuc horumar u leh degaanka iyo dadkaba. Qof waliba waa in uu maskaxda ku hayo mar kasta, oo aad ka fekerayso mashruuca JPLG, in aad horumarkii Laascaanood uu gacantaadda ku jiro”.

Maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, oo badhasaabka faahfaahin ka siiyay sida hawluhu u socdaan ayaa balan qaaday in tababarkaasi loo fulin doono sida ugu wanaagsan, si mashruucaasi hirgelintiisa ay uga shaqeeyaan sida ugu wanaagsan.

Waxaanu sheegay maayarku in hawshaasi I wanaagsan u qabsoomi doonto isagoo kaashanaya xildhibaanadda golaha degaanka Laascaanood iyo shaqaalaha dawladda hoose ee Laascaanood gaar ahaana kuwa tababarku u socdo.

Waxaanu yidhi, “Waxaa hore loo soo qaatay 7 tababar oo la xidhiidha mashruuca JPLG. Waxaana hadhay 2 kale oo tababarkaasi ah. Agaasime-waaxeedyadda dawladda hoose, shaqaalaha dawladda hoose, dhamaantood halkan ayay xaadir ku yihiin oo casharadda ay ku qaadanayaan”.

Dhinaca kale masharuuca JPLG ayaa noqoya mashruucii ugu weynaa ee laga fuliyo magaaladda Laascaanood, iyadoo Laascaanood kaalmaha hore kaga jirta degmooyinka la qorsheeyay in sanadkan 2020-ka laga fuliyo masharuucaasi.

Leave a Reply