Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Tamarta oo xilkii la Wareegay

0
608

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa(Dawan):-Agaasimaha guud ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland uu dhawaan u magacabay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Yusuf Ismaaciil ayaa shalay si rasmiya xilkii ugala Wareegay Agaasimihii hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Cabdiraxmaan Abdeeq Muxumed loona Magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaarada Ganacsiga Dalxiiska iyo Warshadaha.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal oo hadal ka jeediyay munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen labada Agaasime ayaa ku ammaanay agaasimihii hore in uu ahaa hawl kar.waxaanu yidhi“Waxaan ka markhaati kacayaa in uu ahaa tiir adag agaasimihii hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta waxaanu ahaa nin hawl kara oo dhaqan Wanaagsan, waxaanu ku adkaa shaqada Qaranka ee uu hayay,aad iyo aad ayaan ugu Mahadnaqayaa muddadii aanu soo wada Shaqaynaynay.waxaanan u rejaynaynaa Agaasimaha Cusub in halkaa uu ka sii qaado shaqada Wasaarada Macdanta,”.

Agaasimihii hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta loona bedelay Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga Dalxiiska iyo Warshadaha Cabdiraxmaan Abdeeq Muxumed ayaa sheegay waaxyaha ay ka koobantahay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta .waxaanu yidhi“Waxaan uga mahadcelinayaa Shaqaalaha Waarada Macdanta iyo Tamarta muddadii aanu soo wada shaqaynaynay,Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu waxay ka kobantahay lix waaxood Waaxda Maamulka iyo Lacgta waaxda Tamarta Waaxda Macdanta Waaxda Shiidaalka iyo Waaxda Shaqaalaha iyo Xidhiidhka dadweynaha,Shaqaalaha Wasaarada tiradoodu 151 Shaqaala 93 waa Shaqaale rasmiya 58 waa Tambareeri,”

Sidoo kale Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Maxamed Yusuf Ismaaciil oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa Sheegay inuu halkaa ka sii wadi doono shaqada Wasaarada.waxaanu yidhi“Shalay xilbaan hayay Maantana xilbaan hayaa waxaan isleeyahay xilalkaas wax baad ku soo biirisay Wasaaradihii aan soo maray,Wasaaraddan lay soo Magacaabay waxaan jecelahay intii kartida iyo dedaalkayga ah in aan ku biiriyo,”.

 

Leave a Reply