Suxufiyiinta Somaliland ma Shaasheyn Karaan Ashkhaas u Qabaanaya Cadowga Somaliland

0
518

Warbaahinta waxa dunidda casriga ah ee dimuqraadiyadda laasimay ay ku sifeeyaan inay tahay tiirka afraad ee dawladnimada, door shariif ah ku leh dalalkooda, waana dal jireyaal wax walba ka horumariya masaalixda dalkooda.

Raggii iyo hablihii aasaasay warbaahinta Jamhuuriyadda Somaliland soddon sanno ku dhawaad ka hor, waxa ay shaqada warbaahinta ku bilaabeen marxalad lagu jiray duruufo adag oo dhaqaale iyo ammaanka dalka oo aan cago adag ku taagnayn , iyadoo laamaha dawladnimo ay curdin ahaayeen oo wax walba laga soo bilaabay meel sagxada ah. haddana waxa ay ku ammaanan yihiin oo shacbiga iyo Xukuumadduba jiilkaas ugu hayaan abaal weyn inay door lixaad ka soo qaateen dib u dhiskii dalka, nabadeyntiisii iyo dhiirigelinta nidaamka dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland qaadatay wixii ka dambeeyey 31kii May 2001-dii oo aheyd xiligii aftida loo qaaday dastuurka JSL.

Suxufiyiintaasi iyagoo aan qaadan wax mushahar ah haddana waxa damiirkoodu siiyey inay buuxiyaan kaalinta wax ku oolka ah ee ay u hayeen bulshada JSL.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay safka hore kaga jirtaa dalalka mandaqadda ee xushmeeya Saxaafadda madaxa-bannaan, waxana taas daliil u ah inta hay’ad warbaahineed ee maanta ka furan isla markaana si xor ahna uga dhex shaqeysa Jamhuuriyadda Somaliland.

Somaliland waxa ay xurmo iyo sumcad kaga kasbatay caalamka Saxaafadda madaxa-bannaan iyo xoriytul qowlka oo ay tusaale ugu tahay dalalka badan oo caalamka ku yaalla iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Haddaba, saxaafaddii milgaha iyo maamuska ku dhex lahayd bulshada, waxa nasiib darro inay soo baxeen dhallinyarro layli ku ah minhada saxaafadda oo la xaqiijinayo inay u shaqeeyaan oo ay lacag ka qaataan dawladda maqaar-saarka ah ee Soomaaliya oo ah cadowga kaliya ee Somaliland leedahay, suxufiyiintaas oo liiskooda la hayo waxa Xukuumaddu jeclaysatay in aanay ku degdegin inay tallaabo ka qaado kooxdaas la soo baxdaydhaqanka ugubka ku ah mihnadda warbaahinta ee ay cadowga Somaliland u soo kireysanayaan inay uga dhex adeegaan Somaliland dhexdeeda! taasi oo ihaano iyo karaamo dhac ku ah haybaddii Saxaafadda xorta ah ee dalka.

Waxaa lala socodsiinayaa kooxdaas saameynta cadowga u nuglaaday in Xukuumaddu si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqooda oo haddii ay ka noqon waayaan ay noqon doonto in laga qaado tallaabada ku habboon, maadaama oo ay shaashaynayaan kalsoonidii lagu qabay Suxufiyiinta reer Somaliland.

Waxa kale oo daruuri ah in warbaahinta madaxa bannaani ay dib iskugu noqdaan oo ay iska dhex qabtaan cid kasta oo u soo jiidi karta naaneys fool xun oo ka dhigaysa qaar soo xambaara oo tuurta u soo rita afkaarta iyo ajandeyaasha cadowga Somaliland u soo maleegayo inuu ku waxyeeleeyo JSL oo indho dheer u leh inay tabaha cadowga ka dhigto hal bacaad lagu lisay.

FAALLADAN WAXA SOO DIYAARISAY WASAARADDA WARFAAFINTA DHAQANKA IYO WACYIGELINTA JSL

 

 

Leave a Reply