Xukuumadda Somaliland ku Dhawaaqday Qorshe Lagaga Hortegayo Cudurka Halista ah ee ka Dilaacay Shiinaha

0
550

 

“wasaaradda caafimaadku waxay dhigtay goobaha laga soo galo dalka dad ka socda wasaaradda, si halkaa loogu…”Wasiir ku-xigeenka W.H Caafimaadka Dr. Mahdi

 

“Maadaama Ganacsigeenu ku xidhan yahay shiinaha, waxa dhici karta in ay soo noqdaan dad badan oo ku maqan dalka Shiinaha, kuwaasoo ay…”Ag. Waaxda xidhiidhka dadweynaha W.H Caafimaadka..

 

Qore: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa (Dawan)- Jamhuuriyada Somaliland, ayaa ku biirtay dalalka caalamka ee u diyaar-garoobay ka hortaga cudur noociisu dunida ku cusub yahay (Coronavirus) oo dhawaan ka dilaacay dalka Shiinaha, kaasoo in ka badan konton ruux ku dilay Waddanka Shiinaha, kumannaan kalena ku soo riday dalal kamida Asia iyo Ameerika.

Wasaaradda horumarinta Caafimaadka, ayaa ku dhawaaqday Sabtidii shalay qorshe Xukuumadda Somaliland kaga hortegayso cudurkaasi in cudurkaasi dalka soo galo, digniin la xidhiidha xakameyntiisana u jeedisay muwaadiniinta gudaha ku dhaqan iyo kuwa dalka ku soo laabanaya ee ka imanaya caalamka, gaar ahaan Ganacsatada u safra dalka Shiinaha ee baddeecadaha ka soo iibsada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr. Mahdi Cismaan Cabdilaahi (Buuri) oo ka hadlay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa ku tilmaamay cudurkaas mid si xawli ah ugu fidaya caalamka, loona baahan yahay in dawlad iyo shacbi la iska kaashado xakameyntiisa.

Wasiirka oo uu shirka jaraa’id ku wehelinayey sarkaal wasaaradda u qaabilsan xidhiidhka dadweynaha, ayaa intaasi ku daray in meelaha dalka laga soo galo la dhigay kooxo caafimaad oo ka socda wasaaradda, kuwaasoo hubinaya caafimaadka dadka Madaarada ka soo degaya iyo kuwa meelaha kale ee xuduuddaha ah ka soo gelaya.

“Cudurkaasi waa xannuun mid halis ah, kuna faafay Asia iyo caalamka meelo kamida, kolkaa wasaaradda horumarinta caafimaadku waxay dhigtay goobaha laga soo galo dalka dad ka socda wasaaradda, si halkaa loogu hubiyo dadka soo gelaya.”ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Caafimaadku.

Wasiir Mahdi Cismaan Buuri, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay “Haddii ay soo gudubto cid qabta cudurkaas hargabka Shiinaha, waxaanu ka codsanaynaa muwaadiniinta reer Somaliland cudurkaasi waa cudur halis ah, waa cudur fidaaya in ay si deg deg ah markiiba u keennaan xarumaha caafimaadka, daaweynta ruuxaasi u baahan yahay loogu fidiyo.”

Masuuliyiinta Wasaaradda horumarinta Caafimaadku waxa ay tilmaameen in ay muwaadiniinta ka imanaya Dalka Shiinaha ee ugu maqan howlaha Ganacsi ay soo waaridi karaan cudurkaasi, wallow aanay ilaa hadda jirin cid laga helay ama lagu arkay astaamihiisa.

Sidaasina waxa sheegay Agaasimaha Xidhiidhka dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka oo yidhi “maadaama Ganacsigeenu ku xidhan yahay shiinaha, waxa dhici karta in ay soo noqdaan dad badan oo ku maqan dalka Shiinaha, kuwaasoo ay dhici karto in ay cid kamida la timaado cudurkaas, hase ahaatee ilaa hadda ma jirto cid uu ku dhacay cudurkaasi”.

Agaasimuhu isagoo sharaxaad ka bixinaya astaamaha lagu garan karo xannuunkan iyo marxaladaha kala duwan ee uu qofka ku nugleeyo, waxa uu yidhi: “qofka marka hore sidii hargabka ayaa loo qabanayaa, qofkay aadka ugu xumaatana jeeni-wareen (Oof-wareen) ayuu ku noqonayaa, ka uu aad ugu sii xumaado xannuunkuna waxa uu waxyeellayaa hab-dhiska Neefsiga”.

Cudurkan oo ay khubarada Caafimaadka ee adduunku sheegeen in markii hore caabuqiisu ka dhacay hillib xayawaan Duur-joogga, ayaa la aamisan yahay in halistiisu ka sii xuntahay marka ay dadku isu gudbiyaan. “Dadku waa inay xisaabta ku darsadaan suurtogalnimada ah in dadku oo isku gudbiya caabuqa ay ka daran tahay sida uu haatan xaalku yahay.”yuu yidhi Prof Neil Ferguson oo ah saynisyahan cudurrada dillaaca ku takhasusay.

Geesta kale, cudurkan oo lagu daray Caabuqyada Coronavirus ayaa 774 qof oo ka tirsanaa 8,098 qof oo fayrasku uu ku dhacay ku dilay waddanka Shiinaha sanadkii 2002.

Dalalka maalmihii u dambeeyey lagu arkay cudurkan, ayaa waxa kamida dalka Maraykanka oo la diwaangeliyey ilaa saddex Kiis oo ah dad uu soo riday, halka Singapore, Hong kong iyo wadamo kale oo ku yaalla qaarada Aasiya uu todobaadyadii la soo dhaafay dad badan ku soo riday.

Ugu dambeyn,wadamada caalamka ayaa hakiyey duulimaadyada diyaaradaha ee ka imanaya Shiinaha iyo Singapore, taasoo saameyn balaadhan ku yeellatay dhinaca Ganacsiga iyo isu socodka kale ee dunida.

 

Leave a Reply