Furaashka Geerida Ayay Ku Qiratay Dilka !

0
479

Ka dib markii ay muddo sanado ah lamaanaha John iyo gabadhiisa Kelly oo ku noola gobolka Californiya ee dalka Maraykanka ayuu muran xoogan ka dhexeeyay, waxay maalintii danbe gabadhu go’aansatay inay nafta ka jiro oo ay disho. Isla markii uu guriga yimi ayay rasaas madax kaga dhufatay isla markiiba wuu dhintay. Laakiin maydkiisa ayay ku riday Talaajad (qaboojiyaha), halkaasi oo uu maydku ku jiray muddo 7 sano ah. Booliiska ayay u sheegtay in aanay ninkeedii hayn oo ay weyday, isagoo booliiskuna ku daalay raadintiisa iyo meel uu jaan iyo cidhib dhigay, raq iyo ruuxna way waayeen.

Caruurteedu marka ay weydiiyaan aabahood waxa ku dhacayna waxay ugu jawaabi jirtay waxa jiidhay gaadhi oo wuu dhintay. Sanadkii 2004 , wakhtigaasi oo uu si xun ugu dhacay xanuunka kansarka naasaha ayay u sheegtay inanteeda ay dhashay ee ugu weynayd.

Inanta aya booliiska u yeedhay waxaana ay fureen talaajadda isla markiiba waxay ka heleen maydkiisa talaajad taallay qolka istoodhka  guriga. Istoodhkan lama isticmaali jirin lagana kaaftoomay.

Waxaana ay ka heleen jidhkii ninkeedii John oo gebi ahaanba barah fadhiistay noqday. Sidaasi ayaanay intaba badan isu qarin dilka dhiiga ee qofku sameeyo.

Leave a Reply