Caqli Ayaa Haga Jidhka

0
596

Nin xakiim ah ayaa la weydiiyay kan ragga ugu wanaagsan ? Waxaana uu ku jawaabay “  Waxa ugu wanaagsan kan hadii aad la doodo, caqliga badan, haddii uu cadhoodana dulqaadka leh, haduu kaa guulaysto sharafta leh, hadduu wax ku siinayo deeqsiga, hadduu balan qaado oofiya haba weynaado balankuye,  hadii aad ashkato ugu tagtana naxariista badan.

Nin Faylasuuf ah ayaa marti qaaday koox asxaabtiisa ka mid ah , mid ka ah ayuu ku yidhi markii uu arkay cuntada yaraanteed iyo dadka tiradooda waxa wanaagsanayd inaad u kordhiso martidaada raashinka.     Faylasuufka aya ku jawaabay “ Haddii martidaydu caqli badan yihiin ku filan raashinku , waayo caqliga ayaa haga jidhka,  haddii kalena raashinka ayaaba ka badan wixii ay xaq u lahaayeen“  Faylasuufkan ayaa aha Sokhret oo ahaa nin faqiir ah laakiin deeqsi ah oo xikmado badan, waana ninka ugu caansan ragga falsafadda.

Leave a Reply