Guusha Tartamayaasha

0
461

Tartanka kooxaha beeralayda ah ayuu nin beer fale ahi sanad kasta kaalinta koowaad ka geli jiray. Nin weriye ayaa beer falahan maalin weydiiyay sababta uu sanad kasta uu galo kaalinta koowaad?

Waxaana uu ugu jawaabay :” waxaan soo siibiya siidhka bixidda u fiican , isla markaana waxaan u qaybiyaa dhamaan beeraha jaarkayga o dhan si ay u beeraan kaasi wanaagsan”?  Weriyaha oo yaaban ayaa haddana su’aal kale wediiyay :” Oo sidee ayaad u siisaa Siidhkaaga wanaagsan adigoo og inay kula tartamayaan” ?.  Beer falaha ayaa yidhi :” Saaxiib, miyaanad ogayn in dabayshu qaado siidhka talaalka oo ay geyso beeraha kale, haddaba hadii ay jaarkaygu beeraan siidh xun, talaalka siidhkaasi xun waxay dabayshu usoo qaadaysaa beertayd”.

Markaa haddii aad rabto inaad beerto dalag fiican hesho, waa inaad jaarkaaga siisaa siidh aad uga wanaagsan kan aad haysato.

Beer falahani wuxuu si fiican ugu warhayaa sida arimaha noloshu isu dhexgalaan. Haddii aanu siin jaarkiisa siidh fiican in aanu isaguna weligii helayn midho wanaagsan. Farxadda qofku waa farxadda bulshada oo dhan.

Leave a Reply