Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga oo la Kulmay Wefti ka Socday Qaramada Midoobay

0
452

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa(Dawan):-Guddoomiyaha Hay,ada Barakacayaasha iyo Qaxoontiga Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif ayaa shalay la kulmay Wefti ka socdy Qaramaad Midoobay oo socdaal shaqo ku yimi Somaliland.

Weftiga oo uu Hoggaaminayay Madaxa Xafiiska Arimaha Bini-aadminimada Gargaarka iyo Siyaasada ee Qaramada Midoobay Aadan Cabdi Mawla.

Cabdikariim Axmed Maxamed oo kulankaasi ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa fahfaahin ka bixiyay Waxyaabihii ay ka wada hadleen Weftigan ka socday Qaramada Midoobay.waxaanu yidhi“Waxa noo yimi Maanta (Shalay) wefti ka socday Xafiiska Arimaha Bini-aadminimada ee Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay Aadan Cabdi Mawla oo u qaabilsan arrimaha Siyaasada anha Madaxa guud ee Arimaha Bini-aadminimada ahna Isuduwaha Hay,adaha Qaramada Midoobay ee Bini-aadminimada oo saddexdaa xil isku haya,waxaanan ka Wadahadalnay baahiyaha Bini-aadminimada iyo Caqabadaha jira , markaa si aad u faahfaahsan ayaanu u wadahadalnay waxaanu naga helay xogo badan oo aanu haynin.waxaanan ka Wadahadalnay dadka Qaxoontiga iyo Baracayaasha iyo qaabka loo Maamulo waanu ku qancay sidii aanu u Wadahadalnay ,waxaa kale oo aanu ka Wadahadalnay dadkan Qaxoontiga iyo Barakacayaasha ee Dhibaataysan,waxaanu noo xaqiijiyay in loo Baahanyahay in xal waara loo helo dadkan Qaxoontiga iyo Baracayaasha ah .waanan isla waafaqnay in Lacagtan bilaa macniga ah laga daayo dadka Qaxoontiga ah oo xal waara loo helo waanan isla qaadanay in uu arrintaa wax ka qaban doonaan waxaanan u caddaynay in si ka duwan siday Soomaaliya ula shaqeeyaan in aanu ula shaqayn doono.”.

 

Leave a Reply