Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo Caddeeyey in ay soo Afjareen Shaqaaqo 11 Sanno ka Taagneyd Deegaanka Qoton

0
459

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha gobolka Maroodjieex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, ayaa sheegay inay soo gaba-gabeeyeen shaqaaqo muddo 11 sanno ah ka taagnayd deegaanka Qoton oo ka tirsan degmadda Bali-mataan ee gobolka Maroodi jeex.

Waxaa uu gudoomiyuhu sheegay in arrintaasi ay ku dhammeeyeen islaab-xaadhasho, iyo walaaltinimo waxaanu xusay in arrintaasi salka ku heysay dhul ku yaala deegaankaasi.

Arrintaasi oo ahayd shaqaaqooyin laba qoys oo deris oo wada degan degmadda Bali-mataan iyo Qoton oo dhaawacyo kala gaadheen, isla markaana ay gaadhay maxkamaddaha dalka.

Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, oo arrintaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Arrin soo jiitamaysay mudo toban iyo koow sanno ah, ahaydna shaqaaqooyin laba qoys oo deris oo wada degan oo degmadda Bali-mataan iyo Qoton oo dhaawacyo kala gaadheen, isla markaana ay gaadhay maxkamaddaha dalka oo aanu ka soo saarnay dhawaan.

Waxaanu doonaynaa in aanu la wadaagno bulshadda Somaliland ee samaha jecel in arrintaasi ku soo dhammaatay guul”.

Geesta kale badhasaabka ayaa u mahad celiyay odayaashii iyo dadkii kale ee kala shaqeeyay in hawshaasi si wanaagsan u dhamaato.

“Waxaan u mahad naqayaa odayaashi iyo waayeelkii hawshaa nala galay, ee arrimahaasi nala dhammeeyay oo dhammaantood-na guntiga u xidhay in arrintaasi 11-sano jiitamaysay ay dhammaato oo laga walaaloobo, oo dhammaan wixii maxkamadda galayna laga soo saaro oo runtii ay ku dhammaato islaab xaadhasho wanaag iyo kalgacal.

Waxaanu u fadhinay muddo saddex maalmooda dooxadda u dhaxaysa Qoton iyo Bali-mataan, una fadhinay sidii loo walaaloobilahaa ee aanay turxaan danbe u yeelatayeen”ayuu yidhi badhasaabka Maroodijeex.

 

 

 

 

Leave a Reply