“Tiisaba Daryeelle ayaa Tu Kale Ku Dara”

0
689

Jamhuuriyadda Somaliland way ka ilbaxday hadaaqyada beerlaxawsiga iyo been abuurka ah ee Xukuumadda taabka gaaban ee Soomaaliya ay ku marin habaabinayso ummaddeeda colaaduhu taabaaleeyeen, Jamhuuriyadda Somalilandna wax dhaqaale ah ugama baahna Dawladda Farmaajo waayo waxa Soomaalidu tidhaahdaa “Tiisaba Daryeelle ayaa tu kale ku dara.”

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey shir uu ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu isdhexgalka dhallinyarada iyo shaqo abuurkooda ay ku maalgelinayaan dhaqaale gaadhaya 1.6 Milyan oo doolar, waxaanu ku tiraabay inay mashruucaas ku jiraan dadka ka qaybgalaya dhallinyaro ka socota saddex magaalo oo ku yaalla JSL.

Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dhawaaqa Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya u arkeen xeelad cusub oo ay Soomaaliya u beddashay dagaalkoodii ka dhanka ahaa Jamhuuriyadda Somaliland, markii ay ku kafishmeen qoraaladii ay caalamka kaga dalbanayeen in Somaliland laga jaro mucaawimada ay ka hesho Qarammada Midoobay iyo dalalka kale ee beesha caalamka.

Waxa kaloo Dawladda Soomaaliya ku foogneyd inay dhicisayso tallaabo kasta oo ay Somaliland u qaado dhinaca horumarka, tusaale ahaan waxa ay muddo dheer u ololeynayeen inay fashilaan mashruuca casriyeynta dekedda Berbera oo ay aakhirkii hungo kala kulmeen.

Sidaas darteed, waxa ay xiligan soo nashqadeeyeen inay mashruuc dhagaraysan u soo hadoodilaan Somaliland, kaasi oo food-saaro laga soo dhiganayo shaqo abuurka dhallinyarada, waxaanu mashruucaasi uga fashilmi doonaa si la mid ah sidii kuwii ka horreeyeyba ay ugu hirgeli waayeen.

Dhallinyarada Somaliland waxay ku baraarugsan yihiin in aanay shilimaad dhaafsiisan qaddiyadda dalkooda ah oo mid ay dhismaheeda iyo halgankeediiba ku lahaayeen doorkii u weynaa.

Ugu dambayn, Ummadda reer Somaliland waxa ay la jecel yihiin walaalahooda Soomaaliya inay helaan nabadgelyo iyo dawlad aan gurigeeda lagu ilaalinaynin oo xaslata nidaamka iyo kala dambeynta dalkaasi, hase ahaatee Somaliland marna qayb kama noqon karto mashruuc ay wado dawladda Soomaaliya oo caalamku khasaare ka joogo ballaayiin doolar oo la geliyey 30kii sannadood ee la soo dhaafay.

Faalladan Waxa Soo Diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jsl

Leave a Reply