Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo Daahfurtay Mashruuc Horumarineed oo Soconaya Afar Sano

0
1064

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland ayaa Daahfurtay Mashruuc horumarineed oo socon doona muddo afar sano ah isla markaana ay ka faa’iidaysanayaan ugu yaraan 20 kun oo qoys oo xoolo dhaqato ah.

Mashruucan oo ay maalgelinayso Dawladda Holand isla markaana ay wada jir u wada fulinayaan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland isla markaana aga fulin doono gobolada Sool,Sanaag iyo Saraar,ayaa shalay laga daah furay caasimadda Somaliland Hargeysa.

Munaasibadda lagu daahfurayay Mashruuca Horumarinta Calafka Xoolaha iyo Daaqa oo muddo saddex cisho ah socon doona ayay kasoo qayb galeen Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo Horumrinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cali Xuseen Nuur Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro Maayarka Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur Guddoomiye ku Xigeenka Gobolka Sool Saleebaan Diiriye Cabdi iyo Masuuliyiin ka socday Hay,adda FAO.

Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed oo hadal ka jeediyay furintaakii daah furka mashruuca ayaa u soo jeediyay masuuliyiinya gobolada mashruuca laga hir gelinayo in ay ka faa’iidaystaan mashruuca,waxaanu yidhi“Waxa lagu xoojinayaa Mashruucan wax soo saarka Daaqa Xoolaha Mashruucan waxa Maalgalisay dawladda holand waxaana wada fulinaya Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Hayada F.A.O,waxaana Mashruucan laga fulin doonaa Gobolada Sool iyo Sanaag Mashruucan haddii uu fulo mashruucyo kale ayaa ku xiga oo daba socda.waxaanu ku fulayaa muddo afar Sannadood ah waxaana ka faa,iidaysan doona dad gaadhaya 20 kun Qoys Siyaasada Wasaarada Xanaanada Xoolaha waxa weeye in lagu koobnaado Daaqa asalka ah,waxaan kula dardaarmayaa Masuuliyiinta labada Gobol Sanaag iyo Sool in ay gacan ka geystaan habsami u socodka Mashruucan.”.

Agaasimaha guud ee Wsaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumrinta Kalluumaysiga Cali Xuseen Nuur ayaa Sheegay in Mashruucani uu xooga saarayo calafka Xoolaha.waxaanu yidhi“Mashruucani waxa uu xooga saarayaa Calafka Xoolaha iyo Xoolo raacatada Beeralayda Mashruucani ma Samaynayo beero cusub,laakiin beeralaydii sii jirtay ee Iskaashatooyinka ah ayaa waxa la barayaa Xirfado ay ku soo saaraan calafka Xoolaha”.

Maayarka Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa soo dhaweeyay Mashruucan.waxaanu yidhi“Waxaan rejaynayaa in Mashruucani aanu noqon mid dhicisooba ee uu noqdo mid taabbo gala,annaguna waanu soo dhawaynaynaa Mashruucan Degmada Ceerigaabo Waa Beeralay iyo Xoolaylayba.”.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro ayaa isaguna sheegay in Mshruucani yahay mid wax tarleh.waxaanu yidhi“Mashrrucani waa mid wax tarleh waanan soo dhawaynaynaa Mashruucan ay fulinayaan Hay,ada F.A.O iyo Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga,”.

Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Sool Saleebaan Diiriye Cabdi ayaa oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Mashruucan.

Sidoo kale sarkaal ka socday Hay,ada F.A.O oo daah furka ka hadlay ayaa sheegay wax tarka Mashruucani uu u leeyahay Xoolaha.

 

Leave a Reply