Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Aas Qaran oo lagu Sagootiyey Axmed-yasin Abusite oo ku Geeriyooday Hargeysa

0
644

Qore: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa(Dawan)-Xabaalaha Boqol-jire ee Magaalada Hargeysa, waxa maalintii shalay aas-qaran lagu sagootiyey loogu sameeyey Alle ha naxariistee marxuum Xaaji Axmedyaasin Xaaji Cabdilaahi Ibraahim (Abusite) oo kamid ahaa Ganacsatada, Odayaasha iyo waxgaradkii ka soo qayb-qaatay halgankii xoraynta iyo dib-u-dhiska dalka.

Marxuumka oo habeen hore ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, ayaa waxa aaskiisa ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyeyaasha Xisbiyada WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Eng. Faysal Cali Waraabe, Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, xildhibaano ka tirsan Golaha guurtida, xubno kamida golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan, Madaxdhaqameed ka kala yimi Somaliland, Dawladda-deegaanka gobolka Soomaalida Itoobiya iyo Gobolada kale ee Soomaalida, Ganacsato, Culimo-awdiin iyo kumanaan qof oo ka kooban haldoorka qaybaha bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey xabaasha marxuumka lagu aasay, ayaa Qoyska, qaraabada, shacbiga Somaliland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ka tacsiyadeeyey geerida marxuum Axmed-yaasiin Abusite.

Madaxweynaha ayaa sheegay in geerida marxuumku ay tahay mid geyiga Soomaaliyeed oo dhan ku culus, waxaanu ku tilmaamay haldoor ku dayasho mudnaa oo ka baxay bulshada reer Somaliland, islamarkaana safka hore kaga jirey ka qaybqaadashada arrimaha khayriga ah, isaga oo Eebbena uga baryey inuu janneeyo.

“Reer Abusite waa Qoys caan ka ah dhulka Soomaaliga lagaga hadlo oo dhan, waa qoys kamida qoysaska loogu ixtiraamka badan yahay,Isna odayaasha waaweyn ee dalka ayuu ahaa, illaahay ha naxariisto. qoyska reer Xaaji Cabdilaahina waa ka tacsiyadaynaa. waa Raas balaadhan ee dhamaantood samir iyo iimaan alle haka siiyo”ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey goobta lagu aasayey marxuumka. “Umadda Soomaaliyeed oo dhanna waa ka tacsiyadaynayaa geerida Axmed-yaasiin Abusite”ayuu raaciyey madaxweynuhu hadalkiisa.

“Maanta waxa geeriyooday Oday kamida odayaashii Qaranka Somaliland, waxa geeriyooday Tiir culus oo la tebi doono. Illaahay ha naxariisto naf waliba maalinbay dhimanaysaa”sidaasina waxa yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna marxuumka ku safiyeeyey shakhsi door weyn ka soo qaatay dib-u-dhiska dalka, isla markaana geeridiisu ku culus tahay Qaranka Somaliland, waxaanu ku dardaarmay in qof waliba uu xusuusnaado in geeridu huran tahay noole kasta miisaanka uu doono ha lahaadee, sidaas darteed loo baahan yahay alle ka cabsi iyo in wanaaga laga shaqeeyo.

Xubno isugu jira Madaxdhaqameedyo, Ganacsato iyo culimo-awdiin marxuumka ay aqoon shaqo-wadaag lahaayeen iyo qaar ay asxaab ahaayeen wakhti dheer oo halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay in uu ahaa qof muxsin ah oo ay dadka oo dhami u siman yihiin, isla markaana caan ku ahaa wax bixinta iyo samo-falka.

“marxuumku wuxuu ahaa qof caawinta dadka aad ugu wanaagsanaa. waxa ku tiirsanaa oo uu maanta ka tegay dad badan oo aan qoyskiisa ahayn oo uu wax siin jiray, Illaahay ha u naxariisto dhamaanteena samir iyo Iiman ha inaga siiyo”sidaasi waxa yidhi mid kamida culimadii ka soo qaybgashay aaska marxuum Axmedyaasiin Xaaji Abusite.

Ugaas Naasir Ugaas Maxamed Xasan Qaalib, Suldaan Axmed-daahir Muuse, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi iyo Madaxdhaqameedyo kale oo iyaguna ka hadlay geerida marxuumka, ayaa tacsi u diray Qoyska, qaraabada iyo Qaranka uu ka baxay marxuumku, waxaanay alle uga baryeen in uu jannada ku casuumo.

“Xaaji Axmed wuxuu ahaa Nin hal-adayg leh oo aan halka uu qabsado ka leexan, dadkuna ka nabad galaan isaga iyo qoyskiisuba, wuxuu ahaa Nin samo-fale ah”ayuu yidhi Ganacsade Cali Guuleed oo ay saaxiib dhow ahaayeen marxuumka.

Wasiir-u-dawlihii hore ee Wasaaradda howlaha guud Cali Cabdi Saa’iq oo isna marxuumka ay saaxiib ahaayeen, ayaa dhankiisa tilmaamay “Xaaji Axmed wuxuu ahaa Nin khayr badan shaqaystay. dhamaan Masaajidada Kabadhada Kutubta la saaro isagaa bixiyey, waxaanay ahaayeen waxyaabaha uu ka shaqayn jiray”.

Alle ha naxariistee Marxuum Xaaji Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi oo ka soo jeeda qoys in ku dhow qarni ku soo jiray Ganacsiga, geyiga Soomaalida caan ka ah, ayey dadkii ka qaybgalay aaskiisu ku tilmaameen in uu ahaa Nin Waddani ah oo dalkiisa iyo dadkiisaba jecel, maal, maskax iyo muruqna geliyey horumarka waddankiisa.

Waxa kale oo marxuumka lagu sifeeyey in uu ahaa shakhsi dadka oo dhan xidhiidhiya oo aan kala saarin, isla markaana akhlaaq iyo dad-la-dhaqan wanaagsanaa, kana mid ahaa dadka laga nabad-galo afkooda iyo adinkoodaba.

Alle ha Naxariistee Marxuum Axmed-yaasin Xaaji Abusite, waxa uu dhashay wakhti ku beegan 1950’s, waxaanu ku dhashay Magaalada Berbera.

Marxuumku waxa uu ifka kaga tegay Hal Xaas iyo todoba Carruur ah oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

Leave a Reply