Qore Khadar M. Xaashi
Hargeysa (Dawan) Sakariye Xuseen Cabdi oo 24 jir ah wuxuu meherad timo-jare ah muddo lix bilood ah ku leeyahay magaalada Hargeysa.
Wiilkan oo tahriib kasoo noqday bishii December ee sannadkii 2018-kii ayaa ka faa’iideystay fursad ganacsi oo ay ku maalgalinaysay hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM oo dhallinyaro uu ka mid ahaa kasoo celisay dalka Liibiya.
Wuxuu ka mid yahay boqol iyo saddex iyo lixdan dhallinyaro ah oo sannadkii 2019 loo sameeyay ganacsiyo, sida uu Wargeyska Dawan u sheegay agaasimaha soo noqdayaasha ee hay’ada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka mudane Mustafe Cabdi Xuseen oo hay’adda kala shaqeeyay barnaamijkan.
Shaqadan ayaa ka caawisa Sakariye inuu kaafiyo nolosha qoyskooda oo ka kooban toban qof oo uu isagu u weynyahay.
Wuxuu maalintii ka helaa lacag dhan 10$ taas oo uu bishii ka bixiyo kirada meheradda, guriga uu deggan iyo noloshiisa, isagoo reerkiisa u tuura wax uu bishaa awoodo oo aan ahayn lacag go’an.
Waxaa uu sheegay in uu aaminsanaa in tahriibka uu shaqo iyo waxbarasho ku heli karo haddii uu dal kale tago, laakiin shaqo abuurka uu helay ay hadda wax ka beddeshay noloshiisa, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Waxaa igu dhaliyey waxyaabihii aan kala socday baraha bulshadda, iyaguna igu yidhaahan nolosha Yurub aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay, waxaana igu dhaliyey in nolosha Yurub waxbarasho ahaan kaga soo faa’ideysto, aan aqoon iyo dadkeygana uga soo shaqeeyo, markii aan soo noqday waxaan ahaa qof jilicsan iminka shaqadani waxaa ay iga saartay werwarkii iyo dhibaatadii aan Liibiya kala kulmay, waxaaney i siineysaa in ay mustaqbalkeyga oo dhan iga kaabto, waxay mar walba igu hageysaa in aan furaha nolosha haysto, oo nolol maalmeedkeyga iyo wax kasta oo aan nafteyda ku kafeyn karayo aan ka helo, meheradda ii furan, markaan bil walba sameeyo xisaab xidhka reerkayaga waxaan u diara ama boqol dollar ama konton dollar.”
Ganacsiyada loo sameysay dhallinyarada waxaa ka mida ah meherad lagu iibiyo cunnada, kuwa dhismaha, kuwa lagu jaro timaha, dahabka iyo kuwa khudrada maxaliga ah lagu iibiyo.
Mustafe ayaa xusay in dhallinyarada loogu sameeyay ganacsiyadan sidii ay bulshada u dhex geli lahaayeen, sidoo kalana ay noloshooda ugu anfici lahaayeen maaddaama ay muddo ka maqnaayeen dalka, waxaanu yidhi “Dhalinyaraddaasi markii dalka dib loogu soo celiyey hay’addu qorshe ayay u sameysay, kaas oo ah mid dib u dejineed, oo in dalkii iyo dadkii ay ka tahriibeen ay dib ula midoobaan, adeegyo caafimaad oo bilaasha ayay helaan, la talin ayay helaan, waxaa dhalinyaraddaasi la siiyaa tababarro la xidhiidha inay goobo ganacsi sameystaan, oo ay fikrado ganacsi keenaan, kadibna waa loo maalgeliyaa oo dawladda iyo hay’adda IOM oo arrimahan iska kaashadda ay maalgelin siiyaan dhalinyaraddan, hadda dhalinyaradda laga soo celiyey dalka Liibiya boqol iyo saddex iyo lixdan ayaa la siiyey maalgelin, waxaana loo maalgeliyey meheraddo kala du-duwan.”
Fikradda ganacsi ee uu la yimid Sakariye ayay hay’adda barakacayaasha iyo qaxootiga Somaliland ka caawisay inuu helo dhul iyo qalabka uu hadda ku shaqeysto.
Wiilkan oo siddeed bilood gacanta ugu jiray qolyaha magafaha, sannad kalana ku dhameystay jeelasha dalka Liibiya ayaa Wargeyska Dawan u sheegay inuu ku filnaaday noloshiisa waxaanu yidhi “Liibiya waxaan ku xidhnaa sannad iyo siddeed bilood, siddeeda bilood waxaa aan ku jiray Magafaha Xooshashkiisi, kol waxaan galayey Kufra, kol waxaan galayey Tusurba, kol waxaan galayey Bil Waliid, kol waxaan galayey Tiriboli caasimadda Liibiya, siddeeda bilood waxaan ku dhammeystay Magafaha gacantiisa, sannadkana Jeelasha, lix jeel ayaan ka soo maray caasimadda Tiribole ee waddanka Liibiya, lixdaasi jeel waxaa ay kala ahaayeen Daraqsika, Dariiq Madaar, Cayni Sahra, Jaansuur, Taajura, lixdaasi Jeel ee kuwa dawladda ah ayaa midba midka kale waxaa uu ii sii gudbinayay in taariikhdeydu waaya aragnimadeeda, midi gaajo ayuu lahaa, mid ciidanka ayaa dadka leynayay, mid ka kalena dhibaatooyin aad u faro badan ayaa dadka la kulmayeen”
Wuxuu tilmaamay in halisaha tahriibka ee uu maray ay ku khasbeen inuu iskaga soo noqdo safarka sharci darrada ah ee uu doonayay inuu ku galo dalalka Yurub.
Sakariye ayaa sheegay in guri iyo dhul ay lahaayeen qoyskiisa oo loo iibiyay lagaga bixiyay lacag soddon kun oo doolar ah oo magafuhu ka rabay.
Waxaa cabsi ka haysay inuu kusoo noqdo Hargeysa isaga oo hantidii qoyskoodu haystay lagu bixiyay madax furasho, hase yeeshee markii lagu war galiyay in ganacsi iyo dib u dajin loo sameynayo uu ku dhiiraday inuu soo baxo.
Meheradiisa waxaa loogu maalgeliyay labo kun oo doolar oo ay ha’yaddu siisay markii uu Hagaysa joogay labo bilood.
Waxaa hadda la shaqeysta labo dhalinyaro ah oo Itoobiyaan ah kuwaasi oo uu maalinkii siiyo midkiiba soddon kun oo Somaliland shilling ah oo u dhiganta saddex doolar.
Cabdifataax Foosi Axmed waa 21jir oo labo sanno ku maqnaa tahriib, meherad tukaan ah oo lagu iibiyo bagaashka ku haysta suuqa Waaheen ayaa sheegay in shaqo la’aantii uu ka tahriibay uu hadda ka raystay oo ganacsiga loo sameeyay u sahlay inuu helo qarashaad noloshiisa iyo wixii ay uga baahdaan qoyskoodu.
Waxaa uu aaminsanyahay in qalad ay ahayd inuu markii hore tahriibo hase yeeshee uu ka waantoobay oo shaqadan haysanayo ilaa inta uu horumarka ka gaadhayo.
Tukaanka waxaa uu ka helaa laba boqol oo dollar, waxaanu sheegay in ay ka debberto nolol maalmeedkiisa iyo kaalmaynta reerkiisa.
Waakan Cabdifataax oo ka waramaya waxa ku dhaliyay safarkaasi iyo waxaa iska bedelay markii ganacsiga loo sameeyay ee uu dib usoo laabtay “”Imika meheradd yar oo Tukaana ayaan leeyahay, qaab online ahna wax waan ku iibiyaa, caadi ahaana waan u iibiyaa kadib sidaasi ayay igu shaqeysa meheraddu, walaahi waxyaabo badan ayay ii tartay nin imika dad ku tiirsan ma ihi, anigii ayaa nolosheydii is kafeyn karra, waayo markasta isbadel ayaa dhacaya sow maaha sanadkasta oo baxana waa in aad isbadel sameyso marka sanad walba waxaa ii qorsheysan in aan isbadel sameeyo, imikana cidna kuma tiirsani ee aniga uunba nafteyda maamula oo isdabara”
Dhalinyarada laga soo celiayay tahriibka ee ganacsiyada loo sameeyay ayaa ku kala nool magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama.
Waxaana ay ka caawinaysaa ganacsiyadan loo sameeyay in ay shaqooyin helaan kuwaasi oo inta badan ku dooda in shaqo yari ay la kulmeen ay ka tahriibeen.