Siyaasadaha CIA Ku Bedesho Madaxda Dunida!

0
616

Sanadadii lixdanaadkii qarnigii 20aad waxay ogaatay hay’adda sridoonka Maraykanka CIA in madaxd dunida ay si aad ah ugu xidhan yihiin faaliyayaasha iyo xidigiska kuwaasi oo ay u adeegsadaan inay uga waramaan arimaha dhacaya ee soo socda.

Sidaa awgeed iyaga ayaa sameeyay kooxo ay ku sheegeen faaliyaal caan ah oo waxay sheegaan dhakhso loo arko, waxaana ay ku dhex beereen dalal kala duwan kuwaasi oo aan cidi aanay inay yihiin kuwo la buunbuuniyay oo dacaayado badan loo sameeyay iyo inay yihiin kuwa wax ka ogaan kara wakhtiyda soo socda.

Kooxahaasi ay abuureen ayaa faaliye u noqday madaweynihii hore Indonsiea Suharato , Ra’iis wasaaraha Albanaaya, iyo Madaxweynihii dalka Ghan Kuwam Nakruma.

Sarkal sare oo ka tirsanaa CIA ayaa sheegay in faaliyaha ay sameeyeen ay guulo keeneen ka dib markii ay ka nabad geliyeen dalka Ghana inuu ka dhaco afgebi dhiig badani ku daaato, maxaa yeelay Faaliyihii uu ku kalsoonaa madaxweynaha Ghan Nakruma oo ah mid CIA ay ku beertay kula taliyay inuu booqasho ku tago dalka Shiinaha taasi oo uu cadeeyay  in booqashadani u wanagsan tahay si uu xukunkiisu iyo cimrigiisuba u dheeraado. Madaxweyna Nakruma waa uu rumaystay waxaana mudadii uu ku maqnaa Shiinaha lagu sameeyay afgenbi waxaana loo yaqaan afgembigii Cadda ee aan dhiigu ku daadan. Waxaana sababtu ahayd in Madaxweynaha Nakruma xukunka laga qaado taasina waa ay ku guulaystay  CIA.

Dalka Maraykanka madaxweyinhii ugu aaminada badanaa faaliyaha wuxu noqday Ronald Regan kaasi oo faaliyihiisu xataa shirar caalami ah ka baajiyay sida Shirkii hubka halista ee uu ka qayb geli laha. Ronald ayaa isaga laftiisa buugiisa uu kaga waramayo noloshiisa ee uu qoray sanadkii 1965 ka hor intii aanu noqon xaakimka Calfironiya sheegay in isaga iyo xaakiisu ay aad u aaminsan yihiin faalka iyo xidigiska. (Buuga : oddity of history mysterious events).

Leave a Reply