Madaxweynaha Somaliland oo Ciidamadda Qalabka Sida Ku Ammaanay Sida Wanaagsan Ee Ay u Guteen Xilkooda

0
505

“Ciidamadda kala duwan ee qalabka sida dhammaantood qaranku waxa uu ugu mahad naqayaa iskaashiga  amni iyo xilkii la saaray inay guteen”…madaxweyne Biixi

“Waxaad ogaataan ciidamadda qaranku inay magac doontaan dalka-na wax uga tagaan oo aanay dheef  doonin”… Muuse Biixi

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku amaanay qaybaha kala duwan ee ciidamadda qalabka sida hawl-karnimadda ah ee ay u guteen xilkii la saaray.

Waxaanu madaxweynuhu hoosta ka xarriiqay inay ciidamada qaranku guteen waajibkii saarnaa, isla markaana iskaashiga iyo wada-shaqaynta dhexdoodu keentay inuu qaranku guulaysto.

Isagoona xusay in ciidamadda qaranka Somaliland ay ka xoog badan yihiin, kana akhlaaq iyo edaaba wanaagsan yihiin ciidamadda dawladaha la ictirafsan yahay,

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu shalay ka jeediyay munaabaddii xuska sannad-guurada 26-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska ciidanka qaranka Somaliland.

Muuse Biixi,  ayaa ugu horrayn hambalyo guud u diray ciidanka qaranka, ubadkooda iyo xaasaskooda. Waxaanu ku dheeraaday duruufihii iyo marxaladihii ay soo mareen ciidanka qaranka Somaliland oo haatan ah cudud ku filan difaaca qarankiisa.

“Ciidanka qaranku maanta iyadoo aan la ina ictiraafin ayuu ka xoog weyn yahay. Ciidamada kuwa (dawladaha) la ictiraafay, ka Eddaab wanaagsan yahay  oo ka adkaysi badan yahay.

Ciidamadda qalabka sida ee kala duwan dhammaantood waxa uu qaranku ugu mahad naqayaa iskaashi  amni iyo xilkii la saaray inay guteen.

Maanta-na waxaa si wacan u wada shaqaynaya, oo isku xidhan ciidanka qaranka (milateriga), ka  Booliska, ka Asluubta, ka Socdaalka, ka Badda iyo ka War-doonka, oo haddii ay isku baahdaan daqiiqado dhexdoodda ku xidhiidha” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Geesta kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in ciidamadda qaranku dalkooda magac iyo taariikh uga tagaan oo aanay ahayn dheef raadis.

Waxaanu yidhi, “Adduunyada nin-na magac buu u joogaa, nin-na dheef buu u joogaa. Ciidamadda qaranku waxaad ogaataan inay magac doontaan, dalka-na wax uga tagaan oo aanay dheef  doonin, waanan ku hambalyaynayaa doorashadoodda”.

Leave a Reply