Dawladda Hoose ee Hargaysa Oo Diiwaan-Gelinaysa Ilaaladda Xaafadaha iyo Suuqyadda

0
487

Hargaysa (Dawan): Guddiga fulinta dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa ayaa soo saaray waraaq lagu diiwaangelinayo ilaaladda xaafadaha iyo suuqyadda maagaladda Hargaysa

Guddigaasi oo ay mid yihiin maayarka caasimadda C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), xog hayaha dawladda hoose Axmed Yoomis Juxa, iyo maayar ku-xigeenka caasimada C/casiis Maxamed Xaashi.

U jeedadda waraaqdaasi ayaa lagu sheegay dhaqan gelinta foomka ilaaladda xaafadaha iyo suuqyadda magaaladda Hargaysa.

Waxaana lagu wargeliyay waraaqdaasi taliyaha ciidamadda booliska Somaliland, wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland

dhamaanba guddoomiyeyaasha degmooyinka caasimadda, taliyeyaasha saldhigyadda booliska ee dhamaanba caasimadda Hargaysa, guddiyadda nabadgeliyadda ee xaafadaha caasimadda Hargaysa.

Sidoo kale waxaa waraaqdaasi lagu wargeliyay taliyeyaasha ciidamadda booliska ee qaybaha bariga iyo galbeedka caasimadda Hargaysa.

“Sidii aynu iskula qaadanay shirkii nabadgeliyadda ee Khamiistii todobaadkii hore, ee ahayd dhaqan gelinta foomkii diiwaangelinta ilaaliyeyaasha xaafadaha iyo suuqyadda caasimadda.

Waxaana si wada jira uga wada shaqayn doona guddiyadda nabadgeliyadda iyo sidoo kale taliyeyaasha saldhigyadda caasimadda Hargaysa”ayuu lagu yidhi waraaqdaasi ay soo saareen guddiga fulinta dawladda hoose.

 

Leave a Reply