Guddoomiyaha Baanka oo Sheegay in Sicir-bararka Dalku Hoos u Dhacay

0
487

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Cali Jaamac Ibraahim Baqdaadi, ayaa sheegay in Somaliland ay ku jirto waddamada mandaqada geeska Afrika ee ugu hooseeya dhinaca sicir-bararka.

Sidoo kale, waxa uu caddeeyay in qiimaha shilinka Somaliland uu sare u kacay, halka dollarkuna uu hoos u dhacay illaa boqolkiiba 4.5 santi.

Gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Jaamac Ibraahim Baqdaadi waxa uu sidan ka sheegay mar uu shalay hor tagay guddida joogtadda ah ee golaha wakiiladda Somaliland, isaga oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlayayna waxa uu yidhi “Dollarka qiimihiisa oo hoos u dhacay iyo maceeshadda oo dadka qaar yidhaahan ma wada socdaan, su’aashaasi waanu ka jawaabnay waxaa uu baanka dhexe ee Somaliland sameeyay daraasad sannadkii 2019-kii, taasi oo ah mid muujineysa inay wada socdaan qiimaha sarifka iyo maceeshadda, kaasi oo qoraala ayaanu siiney guddida.”

Baqdaadi waxa oo ka hadlayay kor u kaca qiimaha shilinka Somaliland waxa uu yidhi “Sidoo kale, qiimaha shilinka Somaliland kor ayuu u kacay sannadkii 2018-kii illaa imika, taasina waa guul, iyo sicir bararkii oo isaguna hoos u dhacay oo imika waxaa uu maraya 4.5 senti, marka loo eego goboladda kale iyo waddamada inagu xeeran. Tusaale ahaan Uganda oo kaliya ayaa inaga hooseya oo ah 3.5 Bercent, Kenya waa 5.8 Bercent, Itoobiya waa 18.5 Bercent, Sudana waa 58 Bercent, taasina waxa ay kuu caddeyneysaa in Somaliland kaalmaha u horreeya ay kaga jirto waddamada Afrikanka ah ee inagu xeeran dhinaca sicirbararka, cabashadii faraha badneyd ee suuqa ka jirtay taasina waa ay yaraatay, ama maba jirto imika”

 

Leave a Reply