Komishanka Xakameynta HIV AIDS-ka oo Abaal-mariyay Xubno ka Mida Shaqaalahooda

0
523

 

Hargeysa (Dawan) Guddida xakameyntaa HIV AIDS-ka Somaliland ayaa qabtay munaasibad abaal marino lagu guddoonsiinayay qaar ka  mida shaqaalaha koomishanka xakameynta AIDS-ka Somaliland.

Waxaana munaasibadii abaalmarinaha lagu gudoonsiinayay ka soo qayb galay gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland, mudane Farxaan Aadan Haybe, maamulka iyo masuuliyiinta guddida xakameynta Qaran ee HIV/AIDS iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha guddida xakameynta AIDS-ka Somaliland mudane Cabdishakuur Ismaaciil Muumin “Waxaan filaya in imika war fiicani inaga yaalo magaalada shaqadeena, ee in la kibro shaqeeduna kuma xidhna, shaqadeenu waa mutadawacnimo iyo in bulshadeena wanaagooda iyo caafimaadkooda iyo ka laga faquuqayo iyo ka kale inaynu mar walba u hiilino, oo mar walba is dultaagno, islamarkana mar walba ka shaqeyno wanaaga bulshada, dhexdeeda”

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland mudane Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay inay wada shaqeyn dhaw la yeelan doonaan maamulka cusub ee ay dhawaan doorteen guddida xakameynta AIDS-ka ee Somaliland waxaanu yidhi “Wax Allaale wixii sharciyad la dhigay ee la dajiyey ma lagu dhaqmaya? qaab dhismeedkii hay’adda shaqaalaha mala dabaqayaa? maamul wanaagi mala raacaya? waa laba hay’addood oo iscelinaya gudoomiyaha cusub ee dhawaan aad doorateen Dayib waan hanbalyeynayaa, waanaynu wada shaqeyn doonaa”

“Halkan waxaa aynu isugu nimid farxadda shaqaalaha aynu shahaadooyinka siineyno, oo aanu dooneyno inay nagala soo qayb galaan masuuliyiinta Qaranka waa markii ugu horeysay ee shahaado sharafyo la gudoonsiiyey shaqaalaha goobtani ka shaqeeya ay ku muteysteen shaqadooda”Ayey tidhi agaasimaha waaxda daryeelka iyo daaweynta gudddida xakameynta AIDS-ka Somaliland

 

Leave a Reply