“Hadday Wada Aniga Tahay, Siyaasadi Aabbe Ma leh”

0
67

Khillaafka waqtiga doorashaddu waa halkii Odaygiiye lama odhan karo waa wax waqti go’an oo gaar ah bilaabmay, waase uu taagnaa intii Ololle iyo Doorasho taagneyd ba. Waxaa aynu maqlaynay in dhawaalle guddiga Komishanka ayaa la isku hayaa. shalayna waxaa la shaaciyay in Xubin ka mid ah guddigaas oo ka soo jeedda Xisbiga UCID uu is casilay, mid hore oo Xisbiga Waddani ahina waa uu ka maqnaa, waxaana la filayaa ama aan la fileyn inay xubnaha shanta ah ee hadhayna ka daba tagaan oo fududeeyaan ama ay diidaan maadaama aan sharcigu khasbeyn. laakiin, waana uu dhamaanayaa murannkani… Sababta oo ah, Khilaafka siyaasadeed ee jiraa waa mid fudud oo lagu toossin karo wada-hadal iyo talo-wadaag (Democratic Dialogue). Sidaas darteed, aan ku yara nasano Milicsi taariikheed oo aynu is weydiin kale gallno.

Ibraahim Maygaag Samatar ayaa qoraal dheer oo uu kaga waramay Halgankii SNM, waxaa uu ku xussay hanaanka dimuquraadiga ah ee ay ku dhisnayd, waxaana ka mid ahaa isaga oo waqtiyaddii bilowga iyo Siddeetamaadkii ka hadlaya oo uu yidhi “ Waajibaadka waa weyn ee markaa la beegnaa halgankii waxa ay ahaayeen baraarujinta dadka, gudo iyo debedba, bilowga xarumo dagaal, tababarka dhallinyarada dagaalka soo gelaysa, ama ha ka yimaadaan gudaha amaba jiidaha ha laga qortee, iyo ka-dhaadhicinta qadiyadeena adduunweynaha. Hawalahaa baaxadda weynoo dhanna waxay ahayd in lagu qabto qaab dimoqraadi ah, taaso macnaheedu yahay wada-tashi iyo ka qeybgal buuxa oo dadweynuhu leeyahay. Waxay taa macnaheedu ahaa in jiidaha dagaalka, dadka hawsha ka qayb geliyaa—-hadday tahay xeryo mujaahid iyo odayaal abaabulba— iyagu is habeeyaan oo is-doortaan. Sidaa soo kalena laamaha debeddu iyagu madaxdooda doortaan. Dhismaha caynkaas ahina socdo ilaa madaxda sare. Sidaa saa lagu habeeyey dastuurkii ugu horreeyey ee SNM oo shirweynahii Herar lagu qaatay. Sidaa saa halganka dadkiisu ku yeeshay, naftiisana u huray. Dhaxalka caynkaas ahi waa ka suurtogeliyey nidaamka dimoqraadiga ah ee Somaliland maanta ku dhaqmayso.”

Waa run, nidaamkii Dimuquraadiga ahaa ee ururkaas kali ah ee halgan aynu ka dhaxalnay waa aynu haysanaa laakiin, weli waxaad mooddaa in uu Korriin ku jiro, meellaha ugu culus ee uu ka dhitinayana waxaa ka mid ah in Xisbi walba qof yeesho ee aan la wadda yeellan.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa wuxuu si farshaxanimo ah ugu kala dhigay meerisyadan soo socda ee ku jiray jiiftada Awaal-tiris ee uu soo saaray 2010 siyaasiga iyo siyaasadda qaloocdda. Isaga oo la yaabanaa sidda ay wax u socdaan.,

Hadday wada aano tahay,

Hadday agaraadam tahay,

Addoonsigu diin u yahay,

Hadday orgobaysan tahay,

Iimaanku ka qooman yahay,

Hadday Arraweelo tahay,

Hadday abnawaasad tahay,

Af-duub iyo beeno tahay,

Axsaantu ka maydhan tahay,

Hadday orgi iyo ri’ tahay,

Or iyo wada qaylo tahay,

Hadday adhiyaysi tahay,

Hadday adhax-tuujin tahay,

Ilduuf iyo jeeble tahay,

Hadday wada ‘Aniga’ tahay,

Siyaasadi aabbe ma leh.

Ku daalka abaabulkeeda,

Alooskiyo baanaheeda,

Ujeeddo ka keeni maysid!!!

Anniga, Anniga iyo Aniga waxaa inna leh oo ina hor taagnaa 20 sannadood iyo ka badan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, haddii ayanaan doorashaddii ugu horeysay ee madaxtooyadda oo uu ka ahaa murashax, ayaa November 17, 2009 waxa uu Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID tilmaamay “Xilligii xisbiga UCID fikirkiisa la bilaabay waxay ahayd markii dalka la soo galay ee dagaalkii Burco ee sokeeye dhacay oo xalkii khilaafaadka uu damintiisa qayb laxaadle ka qaatay.”

Waqtigaas illaa maanta isna meel kuma gaadhin, Cid kallena umma ogollaan, khilaafyo hore oo badan ha ka soo gudbo;e. Saaxiibaddii xisbiga la wadday kuwii ugu danbeeyay doorashaddii labaad ee Madaxtooyadda markii ay dhacday 2010, ee Faysal halkiisii iyo kaalinta saddexaad is taagay, waa kuwii Cilmi baadhis ka dib ogaaday in aanu ka soconayn. Isna waa kii diiday ee Yidhi ‘Anniga, anniga anniga..’ in kasta oo ay khilaafka hoos u dhigga is yidhaahdeena waa kuwii Isku dhacay… Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi iyo Mudane Adan Maxamed Mire Waqaf oo caddeeyey inay musharaxiin u yihiin Gudoomiyanimada Xisbiga UCID waagaas iyo rag badan oo kale waa kuwii socday Illaa Maxkamadda ee ka furfuri kari waayay, ee Xisbiga Waddani u guuray.. Haddana waa kii Jamaal Cali Xusseen ku guuray, ee markii uu Xisbigii soo saaray uun yidhi.’Haddii gaadhigaagu kaa shidaal beello qofka kulla riixaa kulama yeellan karo’

Waddani haddii aynu eegno sidoo kale, Guddoomiye Cabdiraxmaan Macallinkiisii Faysal qodobkaas anniga aniga uun ta ah waa uu ka xafidday oo waa kii Guddoonkii Baarlamaanka ee uu dhowr iyo tobanka sanno hor taagnaa gaadhsiiyay Kuraastoodda hoos hala’iiga dhigo. Ee xattaa sharcigii doorashadda Madaxtooyadda ee dhigayay in Lix bilood ka hor la is casillo markii Doorashaddii Madaxtooyaddu soo dhawaatay ka badheedhay ee yidhi anniga ha’la ii bedello oo labada kursi uun aan u kala wareego. Markii uu uu guul-daraystayna qiri kari waayay muddada dheer ee illaa maanta taagna Anniga ayaa sharaxan…wallow aanu muuqan sharci ka hor joogsanayaa haddana waxaa uu Xeerka damiirku ina farayaa qofku haddii uu Kuraasta laga hoggaansho dalka muddo dheer soo hayo, Islamarkaana isku dayo inuu kan ugu sareysa gaadho oo suurta-gali weydo inuu bal dadka kalena jaanis siiyo.laakiin, waa anniga anniga Xaalka xisbiyaddeenu oo dhici mayso. Kulmiye laftiisu in kasta oo hoggaamiyihii aas-aasay ku gaadhay kursiga, Islamarkaana uu wareejiyay haddana kama baxayo dhalliishan oo qayb ayuu ka yahay. Sidaas darteed, si aynaan khilaaf uun ugu jirin, ugu yaraan dhismaha Xisbiyadda ma barbar wadnaa geeddi socodka dhismaha Qaran

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here