Maamulka Cisbitaalka Berbera oo Beeniyay in Ogsijiin la’aani ay ka jirto Cisbitaalka

0
497

Qore Khadar M. Dhako.

Hargaysa (Dawan):- Maamulka Cisbitaalka Berbera,ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar sheegayay in Cisbitaalka guud ee degmada Berbera in ay ka go,an tahay Ogsajiinta loogu adeego bukaanka xaaladda adag ku jira.

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Magaalada Berbera Caasha Aaden Guuleed iyo Isuduwaha Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Saaxil Bashiir Diiriye Jaamac ayaa beeniyay in ogsajiin la, aan loogu dhintay Cisbitaalka Magaalada .

Caasha Aaden Guuleed iyo Bashiir Diiriye Jaamac oo Shalay warbaahinta si wadajira ula hadlay warbaahinta ayaa been aan sal iyo raadtoona lahayn ku tilmaamay in Ogsojiin la aan ay ka jirto Cisbitaalka Magaalada Berbera.

Agaasimaha Cisbitaalka ayaa tidhi. “Annaga Masuuliyadda na saarani waxa weeye in loo shaqeeyo oo la daryeelo marka la keeno Cisbitaalka Magaalada Berbera dadka Xanuunsanaya,waxaan Caddaynayaa Marxuum kaa dhintay in lagu rakibay Haamihii Ogsojiinta.Haantii saddexaad markii lagu rakibay ee la qaaday ee la saaray Ambalaaska Marxuumkaas ee lagu xidhay ogsojiintii saarnayd Ambalaaska ayuu ku dhex Geeriyooday marxuumka ALLE, ha, U naxariisto,”.

Sidoo kale Isuduwaha Wasaarada horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Saaxil Dr. Bashiir Diiriye Jaamac ayaa sheegay in Sarciga ay u gudbin doonaan ciddii qortay in Ogsojiin la,aan ay ka jirto Cisbitaalka Magaalada Berbera.waxaanu yidhi“May ku dhicin Ogsojiin la,aan Marxuumkaa Dhintay waxaanu ka digaynaa oo bulshada ku Baraarujinaynaa in beenta la is ka daayo,cidda qoraalkaas qortay waxaanu u Gudbinaynaa sharciga in ay soo Caddeeyaan cidda Masuuliyiinta ah ee arimahaas qortayna Sharci ayaa ka yaalla qoraalkoodii waanu sawirnay waxaanan usoo gudbinaynaa oo aanu hor gaynaynaa sharciga.”.

 

Leave a Reply