Qancinta Macmiilku Waa Guusha Ganacsiga!

0
1093

Arriimo kala duwan ayaa ka dhacqay dunida kuwaasi oo saamayn ku yeesha shaqada iyo hawlaha ganacsiga, siyaasadda iyo dhaqankaba. Akhalaaqda iyo dhaqanka fiican ayaa keena isfahamka iyo horumarka ganacsiga iyo shaqada. Sanadkii 2007, Islaanta Maraykanka ah ee Muna Show ayaa tagtay isla markaana gudaha u gashay xafiiska xarunta dhexe ee shirkadda Comcast Internet oo  ka mid ah shirkadaha bixiya adeegga Internetka iyo telefishanka ee dalkaasi.

Islaantan Show aad ayay u cadhaysnayd isla markaana gacanta waxay ku sidatay dube  waxaana ay la dhacday qalabkii xafiiska yaallay, iyadoo sheegtay inay aad uga xuntahay  adeeg xumada ay macmiilka ku hayso shirkaddani iyadoo halkaasi ku burburisay Computaro iyo qalab kale. Ganacsigaagu wuxu ku xidhan yahay hadba sida aad macmiilka u qanciso,

Madaxda shirkadda midkood ayaa yidhi :” Mona Shaw may ahayn inay u dhaqanto,  oo xanaaqdeeda cadhada lihi heerkaasi gaadho. Waxaan aaminsanahay inay ahayd inay u yeedhato maamulka oo ay u muujiso xanaaqdeeda halkii ay ka burburisay xafiis iyo hanti”. Inkasta oo taasi ay haboonayd haddana waxa jira aan xanaaqooda xadayn  Karin.

Rabshaddu waligeed jawaab kama noqonto adeegga-macmiilka ee hooseeya, iyadoo gudbin keliya ay filan tahay.

 

Leave a Reply