Wareegga Dhulka Iyo Cadceedda!

0
1623

Sida uu sheegay saynisyahanka Maraykanka ah Jason Barnes wuxu soo bandhigay warka ah in dhulka iyo dayaxu is duqayn karaan.

Jason Barnes ayaa sheegay inay dhici karto in Dayaxu dhulka ku dhaco oo u duqeeyo, ka dib duqayntaasi ay noqoto dhamaadka nolosha mareeha dhulka iyo makhluuqa ku dhaqanba.

Saynisyahankan oo ka tirsan jaamacadda Idaho America ayaa sheegay in duqaynta Dayaxa ee dhulka uu yahay mid aad suuratgal ah. Barnes ayaa cadayn ka dhigay in wareegga uu dhulku ku wareego udub dhexaadkiisa uu yahay mid ka soo gaabinaya sidii hore taasina ay tahay tan keenaysa inay is duqeeyaan Dayaxa iyo Dhulku.

 

Wareegga uu dhulku ku wareegayo udub dhexaadkiisa aya ah kan gaabiska keenaya ee sababay in dayaxa iyo  dhulku isku dhacaan. Hay’adda NASA ee Maraykanka ayaa iyana sheegtay inay dhici karto in cufis jiidadka uu dhulku ku wareego udub dhexaadkiisa uu isu bedelo mid dhinaca kale u wareega taasina ay sababto in cadceeda iyo xidiga Mars ay labudaba ka soo baxaan dhinaca galbeed sida lagu daabacay wargeyska daily mail.  Arintaasi ayay sheegeen inay burbur ku keenayso dunida iyadoo wax kasta is bedeli doonaan. Nasa waxa kale oo intaasi raacisay in Udub dhexaadka magnetka ah ee dhulku ku wareego aanu u xoog badnayn sidii uu hore ugu xoog badnaa.  Qilaafka magnetka ah ee dhulka ayaa ku ilaaliya dhulka wareegiisa caadiga. Tani oo keenaysa marka uu daciifo inuu dhulka wareegiisa caadiga ah uu inqilaab ku yimaaddo taasi oo noqon doonta masiibo weyn.

Leave a Reply