“Dhibaatooyinkii ugu Weynaa ee Sanadkii 2019 Waxay Ahaayeen Aafada Dhul Oodashada iyo Dhuxulaysiga…” Badhasaabka Maroodijeex

0
553

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan)- Badhasaabka gobolka Maroodijeex ayaa sheegay in dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee sannadkii tegay ka dhacay degmooyinka gobolka hoos yimaadda ay ahayd arrimaha muranka dhulka.

Waxaanu tilmaamay badhasaabku in sidoo kale dhibaatooyinkaasi ay ka mid ahaayeen dhul oodashadda, dhuxulaysiga iyo jarista dhirta qoyan, taasoo wax badan ay ka qabteen.

Jaamac Xaaji Axmed, waxa uu sidan ka sheegay kulan uu shalay xafiiskiisa kula yeeshay guddoomiyeyaasha degmooynka hoos yimaadda gobolka Maroodijeex.

Guddoomiyaha Maroodijeex, oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee sanadkii dhamaaday ugu badnaa waxay ahaayeen, aafadda dhul oodashadda iyo dhuxulaysiga iyo dhirta qoyan ee la jarayo. Dhibaatadaasi oo naafaynaysa qarankeedda. Haddii ay tahay xoolaha nool.

Arrintaasi oo sanadkii dhamaaday aanu wax badan ka qabanay, waxaanu doonaynaa sanadka-na in aynu laban-laabno”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Khilaafaadka dhulka ka yimaadda, oo iyadna ka mida dhibaatooyinka ay dadku isaga hor yimaadaan, ee had iyo jeer dhaawacyada iyo khilaafaadka, inta badan aanu xalino gobol ahaan, ee aanu degmooyinka ugu baxno.

Waxay ka yimaadaan dhulka la isku haysto. Waxaynu galnay sanad cusub, waxaa loo baahan yahay in la dar-dar geliyo dhamaanba hawlaha qaranka aynu u hayno”ayuu yidhi badhasaabku.

Geesta kale Jaamac Xaaji Axmed, waxa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ay kaga hadleen kulankaasi uu la yeeshay guddoomiyeyaasha degmooyinka hoos yimaadda gobolka Maroodijeex.

Waxaanu yidhi, “Waxaa noo qabsoomay shirkii u horeeyay ee sanadkan 2020-ka, aanu la yeelano guddoomiyeyaasha degmoyinka hoos yimaadda gobolka Maroodijeex, oo aanu warbixin ku kala qaadanaynay mashaariicdii u hirgalay degmooyinka sanadkii dhamaaday ee 2019-ka.

Mashaariicda qabyoobay ee u baahan in daba-gal lagu sameeyo. Mashaariicda sanadkan cusub ee 2020-ka la doonayo in laga hirgeliyo degmooyinka.

Haddii ay tahay mashaariicda miisaaniyadda degmooyinka idiinku jira ee la doonayo in miisaaniyadiina iyo kabka dawladda dhexe idin siiso in laga hirgeliyo, iyo haddii ay tahay mashaariicda dawladda dhexe iyo hay’aduhu ay ka fulinayaan degmooyinka, oo iyaguna u baahan dar-dar gelin iyo kormeer iyo daba-gal.

Arrimaha nabadgeliyadda, oo iyaguna u baahan in la xoojiyo, oo ah runtii arrinta ugu weyn ee qarankeenu ku dhisan yahay”.

 

Leave a Reply