Guddiga Heer Qaran ee Dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda oo Kulan Yeeshay

0
410

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Guddiga dib-u-habaynta iyo tayayta shaqaalaha dawladda ee heer qaran ayaa shalay yeeshay kulankoodii saddex bilood laha ahaa ee lagaga arrinsanayay waxyaabaha u qorshaysan.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta hay’adda shaqaalaha ee magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay xubno ka mida golaha wasiirrada, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda.

Masuuliyiin ka socday baanka aduunka oo maalgeliya barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda iyo guddoomiyaha hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa.

Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland Hinda Jaamac Gaani, oo ah guddoomiyaha guddiga dib-u-habaynta shaqaalaha dawladda ee heer qaran ayaa si rasmiya u furtay shirkaasi.

Waxaanay tidhi, “Shirkani waa shir saddex bilood le ah. Waxaana dhaca saddexdii biloodba hal kulan, waxaana lagu ansixiyaa waxyaabaha mashruucu u taagan yahay ee uu ku shaqayn doono saddex biloodka danbe.

Isla markaana waxaa lagu kala qaataa, warbixinaha la doonayo xogta lagu soo gudbiyo waxyaabaha uu qabtay mashruucu. Sidoo kale waxay ku soo gudbiyaan guddidu, waxyaabaha la doonayo in laga bedello ama lagu darro”.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa isna faahfaahin ka bixiyay wasaarradaha xubno ka ah barnaamijkani.

Kuwaasoo ay ka mid yihiin wasaarradaha qorshaynta, shaqo gelinta, arrimha gudaha, gaashaandhiga, caddaalada, waxbarashadda, caafimaadka, iyo wasaaradaha ay khusayso oo dhan iyo hay’adda maamul wanaaga.

Farxaan Aadan Haybe, waxa kaloo uu ka warbixiyay waxyaabihii kulankii shalay lagaga hadlay. “Qodobadda ugu muhiimsanaa ee saddex biloodkan lagaga hadlay waxaa ka mid ahaa.

In dib la isula eegay qorshaha sanadkan ee barnaamijka dib u qaabaynta shaqaalaha dawladda iyo waxyaabaha la qabanayo, oo ay ka mid yihiin barnaamijyadda lagu soo kordhinayo xagga waxbarashadda, machadka shaqaalaha dawladda, nidaamka lagu casriyaynayo xogta shaqaalaha dawladda.

Barnaamijka E-shilling ee mushaharka lagu siinayo shaqaalaha dawladda. Waxa kaloo isna ku jiray, barnaamijka hawl-gabka iyo dhismaha hay’adda hawl-gabka qaranka, oo ay ku jiraan ciidamadda, iyo shaqaalaha dawladda wixii hawl-gab gaadhay”ayuu yidhi guddoomiye Farxaan.

Geesta kale waxaa isna halkaas ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay sidii loo fulin lahaa waxyaabaha qorshaha u ah barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda.

Waxa kaloo isna halkaasi ka hadlay wasiirka qorshaynta qaranka oo sheegay in uu soo dhawaynayo baarnaamijkani, isagoona hay’adda shaqaalaha dawladda ku amaanay sida wanaagsan ee barnaamijkaasi u waddo.

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply